Wasaaradda Shaqo-gelinta oo soo bandhigtay Daraasad Lagu eeggaayay Dhibaatadda Tahriibka + SAWIRRO

0
879

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda  Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Qoyska ee Somaliland, ayaa soo qaban-qaabisay kulan lagu soo bandhigay Daraasad iyo Xog ururin lagu eeggaayay Tahriibta iyo waxyaabaha sababa in dhalinyaraddu u haajirraan Yurub.

Kulankan waxa ka soo qayb-galay Madaxda Wasaaradda shaqo-gelinta oo ay ugu horrayso Wasiirka Wasaaraddaas Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha gudaha iyo danneeyayaasha arrimaha Tahriibta.

Waxa furitaankii kulankaas hadal ka jeeddiyay Mukhtaar Maxamed Caabbi oo ka socda jaamacadda iyo Kamaal Aadan, waxaannay faah-faahiyeen xoggaha ilaa hadda la soo arruuriyey “Waxyaabaha xoogga la saarraayo waxa ka mida, maxaa keenna Tahriibta? Maxaa soo jiiddaaya dhalinyaraddasi inay Tahriibaan? Mashruucani waxa uu noqon doonnaa mid wax wayn laga faa’iiddo mustaqbalka” ayuu yidhi Mukhtaar Maxamed Caabbi.

“Dawladda Somaliland iyaddoo ka duulaysa dhibaataddaas iyo Xanuunkaas waxay Sanadkii 2013-kii ay sameeyeen Guddi heer Wasaaraddeed ah. Guddidaas oo loogu talo-galay inay wax ka qabtaan barnaamijkan Tahriibka joojintiisa iyo haddii ay ahaan lahayd in Dhalinyaraddan loo helo waxyaalo ay ku badallan karraan” Ayuu yidhi Kamaal Aadan

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa ka warantay muhiimadda iyo macnaha ku jira Xog ururintan, waxaannay u mahad-celisay dhinacyaddii iska kaashadday sidii loo soo bandhigi lahaa Daraasaddan la xidhiidha Tahriibka dhalinyaradda,

“Run ahaantii waxaynu ogsoonnahay inay innaga (Somaliland), innoo yimaaddaan Caruurta socotadda ah ama socdaalka ah, iyagoo aad u tiro badan. Innagana ay innaga taggaan iyagoo aad u tiro badan, labadduba waa arrin Xanuun iyo dhibaataddeeda leh, waxaad darreemi kartaa in qofkastaa uu jecel yahay innuu gurigooda ku noolaaddo, balse waxa jirta duruuf keennaysa in qofkani uu gurigoodda ka tago oo uu u badheedho dhibaatooyin tiro badan oo aannu aqoon sida la isaga difaaco, waxaanna mudan in la ogaaddo sida wax looga qaban karro.” Ayay tidhi Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni,

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here