Wasaaradda Maaliyadda iyo Jaamacadda Hargaysa Oo Kala Saxeexday Mashruuc Waxbarasho Oo Lagu Tayaynayo Shaqaalaha

0
979

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda maaliyadda  Somaliland  ayaa mashruuc  waxbarasho oo lagu tayaynayo  aqoonta shaqaalaha dawladda   ayaa  maanta  la saxeexatay   jaamacadda Hargaysa. Mashruucaasi   waxbarasho  oo loo fidinayo  qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dawladda.

Munaasibadii ay labadda dhinaca heshiiska ku kala saxeexanayeen oo ka qabsoontay xarunta jaamacadda ee magaaladda Hargaysa. Waxaana   goob joog ka  ahaa wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo metelaysay dhinaca xukuumadda iyo guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka sare  ee jaamacadaasi.

 

Mashruucan waxbarasho  oo uu maalgelinayo baanka aduunka waxaa fulin doona jaamacadda Hargaysa. Waxaana  lagu tilmaamay in uu ka   mid  yahay  mashaariicda maamul maaliyadeedka  wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee la doonayo in lagu tayeeyo aqoonta shaqaalaha.

Waxaanay muhiimadiisu tahay in lagu tayeeyo shaqaalaha dawladda si ay u  noqdaan kuwo aqoon u leh, isla markaana ku xeel dheer mashaariicda maamul maaliyadeedka  hay’adaha dawladda, kaasi oo ka shaqayn doona sidii loo dhisi lahaa shuruuc maaliyadeedka dalka.

Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo hadal ka jeedisay   goobtii  ay heshiiska  ku kala saxeexanayeen maamulka jaamacadda Hargaysa ayaa sharaxaad ka bixisay faa’iidadda uu leeyahay mashruucan waxbarasho.

Waxaanay tidhi “Heshiiskani aanu la galnay jaamacadda Hargaysa oo ah mashruuca la socda   BFM-ka, oo ah sidii loo tayayn lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda   ee ay u noqon  lahaayeen kuwo khubarro ku ah shaqadoodda.  Mashruucan waxaa lacagtiisa bixinaya baanka aduunka”.

Guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa  Dr. Maxamuud Yuusuf  Muuse, ayaa isna dhinaciisa  ka waramay mashruucaasi iyo u jeedadda laga leeyahay.

Waxaanu yidhi “Waxay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland oo ay wakiil ka tahay wasaaradda maaliyadda iyo jaamacadda Hargaysa, mashruuc uu baanka aduunku keenay, kaasi oo lagu tayaynayo laguna tababarayo shaqaalaha wasaaradaha”.

Geesta kale guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa waxa uu sheegay in  jaamacadu  u soo xushay in ay  bixiyaan tababarkaasi macalimiin aqoon leh, isla markaana imtixaan heer caalami ah  laga soo qaaday. Sidoo kale-na shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee  tababarkaasi  geli doonaa ay yihiin kuwo imtixaan ku soo baxay.

“Jaamacadu waxay u soo xushay macalimiin tayo leh,  oo tababarkaas qabta, oo ay  imtixaankana ka qaadeen dadka aqoon leh oo heer caalami ah.

Shaqaalahan loo tababarayo wasaaradda maaliyadda iyagna  waa dad imtixaan ku soo baxay,  kuwaasi oo ilaa sideetan qof (80) ah  ayaa aqoontooda la tayaynayaa” ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Hargaysa.

Mashruucaasi ayaa mudadda uu socda waxaa lagu tababari doonaa ilaa sideetan qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda maaliyadda

Khadar Muuse —  HargeisaPress 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here