Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Daahfurtay Liisamadda Wadista Baabuurta Oo Casri ah

0
1552

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa maanta daahfurtay liisamadda wadista gaadiidka(Driving License) oo hanaan cusub loo sameeyay.

Munaasibad lagu soo bandhigayay liisamadda wadista gaadiidka oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa waxaa  ka soo qayab galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada,  agaasimeyaal guud, xildhibaano, sulaadiin,  Cuqaal, masuuliyiinta iyo hawlwadeenada wasaaradda Gaadiidka.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay  qaar ka mida mulkiileyaasha Macdarada Gawaadhida lagu iibiyo, maamuleyaasha iyo Macalimiinta dugsiyada lagu barto Waddida baabuurta  iyo dadweyne kale.

Munaasibadaasi ayaa lagu daahfuray adeegyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen nooca cusub ee casriga ah oo noqonaaya  liisamada wadista gaadiidka Somaliland oo lix qaybood ah, Buuga barashada wadista oo ka kooban 400 su’aalood  iyo  Jawaabahoodii oo dalka oo dhan laga isticmaali doono wadayaashana lagu imtixaami doono.

Waxa kaloo ka mid ahaa adeegyadii halkaas lagu soo bandhigay  20 qof oo shaqaale cusub oo loo carbiyay inay imtixaanka casriga ah qaadaan oo Wiilal iyo Gabdho isugu jiray, Habka balan samaynta imtixaanka liisamada oo aad balantaada laga  soo samaysan karo website-ka ah www.somalilandtransport.com.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillahi Abokor Cismaan, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka ay u soo bandhigeen liisamadan cusub.  Waxaanu  yiidhi “Munaasibadan afar ujeedo ayuun baynu ka leenahay,  ujeedada 1aad waxa weeye, in aanu daah furno Aqoosiga Waddida Gaadiidka dadweynaha  (Driving License) ee Somaliland oo lagu soo kordhiyay  (Security features) ama Astaamo Qarsoon.

Ujeedadda  2aad waxay tahay maanta waxaynu cadaynaynaa in wasaarada Gaadidka iyo Horumarinta  Jidadka Somaliland ay la soo wareegtay Aqoosiga wadista  Gaadiidka dadweynaha  (Driving License) oo markii hore shirkad gaar ahi daabaci Jirtay”.

“Ujeedada 3aad waxa weeye in aanu halkan idiinku soo bandhigno Buug ka kooban 400 oo kelmadood amaba su’aalood oo qof kasta oo doonaya inu qaato Liisanka ay waajib tahay inuu aqoon u yeesho.Ujeedadda 4aad waxay tahay in aanu halkan ku soo bandhigno Hablo iyo Innamo  muddo la tababarayay, oo wixii ka danbeeya maanta noqon doona, dadka imtixaanka ka qaadi doona Qofkii u baahda inuu qaato Liisanka (Driving License)” ayuu yidhi C/laahi Abokor.

Ayaan C/casiis ah agaasimaha Waaxda buugaagta iyo Aqoonsiga wadista  gaadiidka  ayaa   ka warantay habka loo qaadanayo aqoonsiga waddida daadiidka (Driving License). Waxaanay tidhi “Waxay wasaaradu xooga saaratay Liisanka siday u bedeli lahayd,  iyadoo ka turjomaysa saddex qaybood oo kala ah in Liisanka la adkeeyo, in la hello dadkii adkayn lahaa ee imtixaanada qaadi lahaa.

Sidoo kale in xooga la saaro sidii loo soo saari lahaa derawaliin u qalma in ay gaadiidka wadanka waddi karaan, oo ay rakaabka masuul uga noqon la ahaayeen”.

Waxaa isna madasha ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Cumar Cabdilaahi Aadan, ayaa sheegay in hawshani ay ka soo shaqaynayeen muddo 6 bilood ah, isla markaana ay rejaynayaan in tallaabadani ay isbedel weyn ku keeni doonto nidaamkii markii hore liisamadda loo bixin jiray.

“Arrinta ugu weyn ee aanu wakhti gelinay waxay ahayd liisanka. Hawshan maanta noo qabsoontay muddo lix bilood ah ayaanu ka soo shaqaynaynay. Runtii buugan in la hello wakhti badan ayay nagu qaadatay, dhalinyaradan aad arkaysaan oo Wiilal iyo gabdho isugu jiraa waxay ka kala yimaadeen goboladda dalkoo dhan.

Waxaanu dareensanahay in arrintani ay isbedel weyn keeni doonto. Waxaanu kala dooranay in aynu weligeen ku jirno in liisanka gidaarka la isugu keeno, oo uu qofku maalinta uu doono qaato iyo sidoo kale in aanu amnigeena iyo dawladnimadeena muujino” ayuu yidhi Cumar C/laahi.

Geesta kale waxaa iyag na munaasibadaasi hadallo ka jeediyay wasiirrada warfaafinta C/raxmaan C/laahi Guri-barwaaqo, wasiirka gaashaandhiga, wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiirka dhalinyaradda iyo cayaaraha iyo qaar ka mid ahaa mulkiileyaasha macradda baabuurta iibiya iyo kuwa dugsiyadda lagu barto wadista gaadiidka.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here