Wariye Katirsan Talafishanka Qaranka Somaliland Oo Dhaliilo Uu Dood Kaga Dhiibtey Shirkii Saxaafada iyo Xukuumadda Shaqadii Lagaga Joojiyay

0
1448
Wariye Cabdisitaar Cabdilaahi Cali

Burco, (HargeisaPress) — Wariye katirsan Wariyayaasha ka hawlgala  Talafishanka ku hadla afka Xukuumada Somaliland ee Tvga Qaranka ayaa laga joojiyay shaqadii kadib markii uu dood kaga dhiibtey shirkii ku dhex marey Saxaafada iyo Xukuumadda Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa,halkaas oo uu dhaliil ugu jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wariye Cabdisitaar Cabdilaahi Cali oo kamid ah Wariyayaasha ka hawlagala Talafishanka Qaranka oo kamid ah Wariyayaasha Gobolada sida aadka ah uga soo warama ayaa,shaqadii laga joojiyay kadib markii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(cadaani) uu dhaliil uga jeediyay kulankii Saxaafada iyo Xukuumada ku dhex marey Xarunta Madaxtooyada Somaliland dhaliilahaas oo ku sahabsanaa duruufo haysta Wariyayaasha Gobolada Bari uga soo warama Talafishanka Qaranka iyo ixtiraam la,aanta ay ku qabaan Maamulka Wasaarada ka iyo Ka Tvga labadaba,intaa kadibna waxa uu Wasiirka Warfaafintu kaga jawaab celiyay dooda dhaliisha Wariyuhu ugu gudbiyay madaxdiisa in lagaga joojiyo shaqadii uu u hayay ee Gudbinta Wararka oo kaga tirsanaa bahda Tvga Qaranka ee Goblka Togdheer.

Wariyahan katirsan Talafishanka Qaranka Cabdisitaar Cabdilaahi Cali(Sabri),ee laga joojiyay shaqada waxa la sheegay in nuxurka doodiisu xambaarsaneyd dhaliilo ku wajahan in todoba boqol oo kamid ah shaqaalaha Talafashanka Qaranku aaney ku qanacsaneyn intooda badani Siyaasada uu ku hogaamiyo Wasaaradda Cismaan Saxardiid Cadaani taas,oo uu geesta kalena ku beeniyay in aanay waxba ka jirin mushahar kordhin uu Wasiir Cadaani lasoo horfadhiistey Warbaahinta oo uu ku sheegay in loo kordhiyay Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Wariyayaasha iyo hawlawdeenada kale haseyeeshee,aheyd mid ku kooban oo kaliya inta Caasimada ka hawlgasha balse aan gaadhin Wariyayaasha Gobolada dalka uga soo Warama Talafishanka Qaranka.

Dhaliilo badan oo Xiligan Xukuumaddu ka warheyso ayaa,dibadda usoo baxey oo Wasaarada Warfaafinta ku kooban iyo Maamulkeeda kuwaas,oo ay shaqada uga tageen Wariyayaal ruug cadaa ah oo lafdhabar ku ahaa Aasaaskii Tvga Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa sida Xuseen Cabdilaahi Deeqsi iyo Wariyayaal kale inkastoo Wasiir Cadaani iyo Maamulka Tvga Qaranku ka biyo diideen Wariyaha uu xiligan shaqada ka joojiyey doodii uu ka dhiibtey kulankii Saxaafada iyo Xukuumadda ee Madaxetooyada ka qabsoomey dhawaan kaas oo dhawaan Wasiirku shir jaraa,id ku sheegay in midhihii kasoo baxey Madaxweynuhu ku cafiyey Wariye xidhnaa laakiin isagu kaga aargoostey Wariyahaasi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here