WARGELIN: Taariikhda iyo Goobta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Saaxil

0
1567

BERBERA, Waxaa maalintii Axada ahayd si habsami ah u soo dhamaystirmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Saaxil iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

-Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera ayaa qabsoomi doonna maalinta Axada ee bari ah taariikhduna tahay 09/12/2018 Insha Allah

-Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo Xaadiraan xarunta Jaamacadda Bada ee Berbera Maritime & Fisheries Academy 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Axada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

-Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Gobolka Saaxil iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here