WAR DEG DEGA: Shil Baabur Oo Sababay Dhimasho iyo Dhawac oo ka Dhacay Duleedka Magaaladda Burco

0
1176
war deg dega

Burco, (HargeisaPress) —Shil baabur ayaa ka dhacay Bariga maagalada Burco ee magaalada Beer shilkaasi ayaa ka dhacay booyad biyo sida iyo buss sida dad badan ayaa isku galay dalacaada Beer ilaa hada dhimashadu waa Saddex Dumara iyo Afar raga , dhawaaca ilaa hada saddex qof ayaa la soo sheegaya soo gadhay.

Meydadka iyo dhaawaca uu shilkaas geystay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka burco, Goob jooge ku sugan magaalada burco ayaa HargeisPress u xaqiijiyay in Wakhtigan dhakhtarka ay ku sugan yihiin agaasimaha iyo shaqaaaha dhakhtarka oo si fiican ugu shaqaynaya dadka.

Shilkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu waxyeellada badnaa marka loo eego tirade dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.

Inaali Laahi Waa Inaali Laahi Raajicuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here