War Deg Deg ah: Xukuumadda Siilaanyo Oo Weerar Culus Ku Qaadey Agoontii Gudoomiyihii Hore Ee Baanka Maxamuud Ducaale

0
1582
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa, (HargeisaPress) —Laba Baabuur oo ay ku gaashaaman yuhiin Ciidamada Ladagaalanka Argagixisada ee RRU ayaa weerar lama filaan ah ku qaadey Xaaska Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale kadib markii uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi amar ku bixiytey in la taxaabo oo banaanka looga saaro Gurigii uu Marxuumka Siiyay Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Xaaska uu ka tagey Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale ayaa, lagu qaadey weerar qaflad iyo aragagixiso kadib markii uu amar ku bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi in banaanka looga saaro Guriga ay ka degan yihiin Magaalada Hargeysa oo uu siiyay Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Marxuum Cigaal Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland iyadoo lawada ogyahey in aanu Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Guri ka dhisan Caasimada Hargeysa islamarkaana, aanu ku laheyn baloodh kaliya Gudaha Magaalada sidaa daraadeedna uu wakhti xaadirkan u beefsanayo Wasiirka Madaxtooyadu godob Siyaasadeed oo uu kaga faa,idetsanayo xiliga kala uurka maadaama uu wali calool xumo u qabo Marxuum Cigaal iyo Raggii lasoo shaqeeyay.

“Waxaa nasiib daro ah in maanta loo beegsanayo Xaaska Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale(Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland),cida ay tahey waa haweenay ogaadeen ah sidaa daraadeed ayaa loo damcey in dibadda looga saaro Gurigii uu siiyay Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Cigaal waana Gudoomiyihii Baanka ee waligii Musuqmaasuq ku talaabsanin labadaa Madaxweyne isagoo lasoo shaqeeyay ayaanu Guri ka dhisan Caasimada Hargeysa baloodhna  ku laheyn waxaa lagu xidhay Saldhiga Ibraahim Koodbuur inta laba gaadhi oo Ciidan ah loo soo direy waxaana lagu amrey in ay Gurigaa ka guuraan haddaba ma Aamina Warisbaa agoontaa u badheedhay mise Wasiirka Madaxtooyada ayaa u badheedhaya waa su,aal taagan laakiin waxaan kaga ciilqabaa hadii Madaxweyne Siilaanyo maanta sidiisii yahey wuu ka xanaaqi lahaa falkaasi”Sidaa waxa yidhi Axmed Cabadilaahi Cali oo u Hadley dhibaatada qoyskaa lagula Kacey.

Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale ayaa, dadka ugu badan ee Reer Somaliland ku tiriyaan un uu ahaa Marxuum daacad ah oo aan ku talaabsanin talaabooyinka Musuqmaasuqa ee ay dad badani caadeystaan in ay Guryo iyo hantiba kaga sameystaan Hantida Umadda,iyadoo loo dhgegtaagayo cida damaca dhabta ah kusoo weerartey Qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

Email: hiiraan2007@gmail.com     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here