Waftiga Beesha Caalamku Soo Wakiilatay Iyo Digniinta Cuna-Qabataynta Lagu Soo Rogi-doono Xubno Ka Mid Ah Xukuumadda Oo La Xaqiijiyey

0
1036

NAIROBI— Waftiga beesha caalamku soo wakiilatay ee ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa madaxda xukuumadda iyo Guurtida Somaliland uga digay in haddii ay mudo-kordhinta Madaxwaynaha ku ekaysiin-waayaan halka sano ee ay Komishanka u cayimeen doorashooyinka (1-da July 2016-ka) cunaqabatayn la saari doono  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), marwadda Madaxwaynaha Aamino Waris iyo xubno kale oo ka mid ah labada waaxood ee fulinta iyo sharci-dajinta.

Waftiga beesha caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub  u qaabilsan arrimaha Somalia Michele Cervone d’Urso ayaa kulamo gooni-gooni ah oo ay maanta galinkii hore iyo kii danbe-ba la yeesheen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, guddoomiyaha guurtida iyo madaxda saddexda xisbi-qaran waxay kaga wada-hadleen arrintan  mudo-kordhinta 22-ka bilood ah ee ay Golaha Guurtidu shalay u sameeyeen xukuumadda Siilaanyo oo mudo-xileedkeedu kaga eegyahay 27-ka July 2015-ka, waxaanay waftigani cadeeyeen in mawqifka beesha caalamka ee ku aaddan arrimahani yahay in laga noqdo go’aanka mudo-kordhinta ah ee 22-ka bilood ah, lana waafajiyo halkii halkii sano ee Komishanku qabsaday inuu ku qabanayo doorashooyinka, haddii kale ay talaabooyin cunaqabayn iyo xayiraaddo ah kusoo rogi-doonaan xubno ka mid ah dawladda iyo qoyska Madaxwaynaha, kuwaas oo uu Wargeyska Haatuf magacyadooda sii sheegay laba todobaad ka hor.

Sidoo kale warbaahinta xukuumadda sida Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka ayaa shalay, xalay ilaa maanta baahinayey barnaamijyo borobogaando ah oo beesha caalamka lagu eedaynayo inay qas iyo xiisado siyaasadeed ka abuurayaan Somaliland, waxaana ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda ee beesha caalamka dhawrka jeer sida qaawan ugu weeraray arrintaasi Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade.

Dhinaca kale sida ay tibaaxeen xogo aan wali la xaqiijinin waftigan ayaa xukuumadda Somaliland ku wargaliyey hadii la diido taladooda inay hay’adaha caalamiga ah ee ku sugani dalku ay ka bixi doonaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here