“Waa La Joojiyey Iibka Dhismeyaasha Dawladda Iyo Cashuur-dhaafka..” Hanti-dhowraha Guud Ee Qaranka

0
1495

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland Siciid Saleebaan Mire, ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii bishii hore ee Doorashadu ka dhacday la joojiyey iibinta Hantida Guud ee Qaranka iyo bixinta Dhulka, sidaasi darteed wixii Hanti ah ee la iibiyey ama la bixiyey intii ka dambaysay Muddadaasi ay Sharci-darro tahay.

Shir-jaraa’id ayuu Maanta ku sheegay in Dhulka la bixiyey ama la iibiyey intii ka dambaysay Doorashadii Madaxtooyadu ay baadil yihiin oo aan la ogolayn.

Hanti-dhowruhu waxa kale oo uu sheegay in wixii Muddadaa ka dambaysay la joojiyey Cashuur dhaafkii loo samayn jiray Dadka qaarkood, marka laga reebo Hay’ado kooban.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here