“Waa dagaal toosa oo lagu soo qaaday nolosha bulshadda Somaliland”…

0
1093
Xildhibaan Mustafe Qodax, oo ka tirsan golaha saree e barlamaan dawladda federaalka Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mustafe Qodax, oo ka tirsan golaha saree e barlamaan dawladda federaalka Soomaaliya  ayaa ku dhaliilay dawladda Farmaajo in ay ku kacday dagaal toos ah oo lagu bar tilmaameedsaday nolosha bulshadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in hagar-daamooyinkaasi ay ka mid yihiin  dagaalkii lagu qaaday DPW, mashruucii new deal, warqadii dawladda Farmaajo ku mamnuucaysay in  xoolaha lag dhoofiyo Berbera iyadoona ruqsad laga haysan Soomaaliya.

Xildhibaan Mustafe Qodax, oo ka soo jeedda Somaliland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta reer Somaliland ee Goleyaasha maamulkaas ku jira in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah.

Sidaasina waxa uu ku sheegay Qodax, qoraal dheer oo gar-naqsi ah oo uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoraalka Senotar Qodax, oo arrimahaas iyo waxyabao kale kaga hadlay waxa uu u dhignaa sidan:

“Dagaalkii lagu qaaday DPW. Mashruucii new deal.Warqadda xoolaha lagaga mamnuucay inay Berbera ka dhoofaan iyo hagar-daamooyin badan oo kale oo dawlada federaalku samaysay waxay ahaayeen dagaal toos ah oo loola badheedhay shacbiga reer somaliland in lagu bar tilmaameedsado noloshooda.

tallaabooyinkaas dhammaantood waxa ka dhashay cawaaqib saamayn taban oo wayn ku yeeshay quluubta dadka, islamarkaana saddex jibbaaray walaaca dadka reer somaliland ka qabaan midnimo danbe oo soomaaliyeed”.

“Waxa muuqata in mixnada soomaali dhextaallaa ay kasii darayso, batroolka ugu badana koonfur lagaga shubayo. Koonfurta soomaaliya wali waxa ku sugan dad badan oo reer somaliland ah oo isugu jira siyaasiyiin ku jira golayaasha dawlada, ganacsato iyo aqoon yahan kale oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya koonfurta soomaaliya mana dhacdo in mar qudha wax laga waydiiyo arimaha quseeya masiirka iyo nolosha dadka reer somaliland siiba marka la gaadhayo go’aano xasaasiya sida kan xoolaha ee hadda taagan”.

“Markaan eego sida wax usocdaan, markaan si fiican u dhegaystay qudbadihii AHUN ina cigaal ee khiyaamadii lixdankii, markaan arkay in siyaasiga reer koonfureed waxkale iska daayoo aanay ogolayn in dhalinyarada looga sheekeeyo sidii ay ku timi midnimadii 60kii, markaan arkay in dagaalku ku wajahan yahay shicibka somaliland ee aanu ku wajahnayn siyaasiga somaliland, markaan arkay, isdiidooyinka ficil iyo qawl ee dawlada federaalka (midnimada soomaaliya waa muqadas odhaah aad inta badan ka maqlayso madaxda somaliya iyo ficil kaa kasoo horjeeda 100%), markaan arkay inay dawlada federaalku wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya ka door bidayso inay wax muquuniso iyadoo ka faa,iidaysanaysa aqoonsiga dunida”.

Arimahaas oo dhammi waxay keeneen in la sii kala fogaado, anagana (siyaasiyiinta reer somaliland ee koonfur joogta) anu ku noolaano dacar, waa inta damiirka lehe waxan ugu baaqayaa inay shir degdeg ah isigu yimaadaan siyaasiyiinta ku jirta golayaasha dawlada oo lagaga arinsanayo mashaqada iyo xumaanta loola badheedhay dadkayaga”.

Wabillaahi tawfiiq

Senator Mustafe Qodax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here