Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan Ee Somaliland (SSJW) Oo Bogaadiyey Ururka Suxufiyiinta SECJA Oo Maanta Shirwaynahoodii 2-Aad Ku Soo Gabo-Gabeeyey Berbera

0
930

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland ee The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW)  Warsaxaafadeed uu  maanta kasoo saaray magaaladda Hargeysa isla markaana uu ku saxeexnaa Guddoomiyahooda Md Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa waxa uu si wayn usoo dhaweeyey Ururka Suxufiyinta Badhtamaha Iyo Bariga Somaliland ee SECJA oo maanta shirwaynihiisii 2-aad kusoo gabo-gaboobay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Hadadba anagoo suxufiyiinta ku bahoobay SECJA ku hambalyeynayna shirwaynahoodan guusha ugu dhamaaday waxa aanu ururadda saxaafadda ee kale ee dalka ka jirra, xukuumadda, asxaabta siyaasada iyo beesha caalamkaba ugu baaqaynaa inay taageero iyo dhiiri-galinba isla-barbar taagaan ururkan cusub.

Waxaanu qabnaa in ururka SECJA uu kaalin mugleh ka qaadan doono difaaca xoriyadda saxaafadda Somaliland iyo horumarinta mihnadda suxufinimadda.

Iyada oo aanu ka faa’idaysanayno munaasibaddan waxaanu dhamaan suxufiyiinta reer Somaliland xasuusinaynaa baahida wayn ee wali loo qabo in la yeesho dalad-guud oo kulmisa ururadda saxaafaddda isla markaana midaysa taladda iyo Stratigiyada ay suxufiyiintu kaga gudbi-karaan dhibaatooyinka iyo carqaladaha ku gedaaman bahwaynta warbaahinta dalka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here