Ururka Qareenada Oo Hambalyo u dirayaa Shacabka Somaliland, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxwayanaha Cusub

0
1308
Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ururka Qareenada wuxuu hambalyo, ammaan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo shacabka Somaliland sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA Oo Nuqul Kamid Ahi Soo Gaadhay Saxaafadda Ayaa U Dhignaa Sidan.

UJEEDO:- HAMBALYO

Hoganka Ururka Qareenada jsl ee SOLLA, Isagoo ku hadlaya magaca Ururka iyo Dhamaan Xubnaha Ururka jsl waxa uu hambalyo u dirayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland Sidii ay uga qayb qaateen qabsoomidi Doorashada madaxtinimada jsl, waxanu Hogaanku ku hambalyaynayaa Sida Ilbaxnimada iyo Dimuquradiyada leh ee ay shacabka jsl u muujiyeen jacaylka ay wadankooda u qabaan, ee ay ugu codeeyeen Sadexda xisbi qaran ee ku tartamayay madaxtinimada Jamhuriyada Somaliland.

Sidoo kale, Hogaanka Ururka Garyaqaanada jsl ee SOLLA, Waxa uu hambalyo balaadhan u drayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka jsl si wanaagsanayd ee ay u maamuleen qabsoomida Doorashada Madaxtinmada jsl, iyo qaabki taxadarku ka muuqday ee ay natiijadii doorashada ugu dhawaaqeen.

Ugu dambayn waxa uu Hogaanka Ururka Garyaqaanada jsl Ee SOLLA, waxa uu hambalyo balaadhan u dirayaan Madaxwayanaha Cusub ee shacabka JSL doorteen ee ku guulaystay Kalsoonida shacabka Muddane Muuse Biixi Cabdi Xildiid, waxanu ururku leeyahay madaxwayanaha cusub ilaahay ha kuu fududeeyo hogaaminta dalka iyo dadkaagaba, noqo kii dalka caddaalad iyo sinaan ku maamula.

Waddanka dhibaatada ugu wayn e taala waa qabyo sharci iyo ku dhaqan la’aan sharci dadkana waxa deeqa oo sima xuquuqdodu waa sharciga waxaanu ka rajaynayna kugulana talinayna in sharcigu shaqeeyo oo uu noqdo waxa ugu muddan e qof walba ka sareeya waxanu kugula talinayna inaad noqoto madaxwayne hirgaliya saraynta sharciga oo islamarkana bara ixtiraamka iyo dhowrida ,ku dhaqanka sharciga ummada reer Somaliland

  Waxaanan ilaahay kaaga rajaynayna inuu kugu asturo xilka kaana dhigo madaxwayne ummada u horseda midnimo, caddaalad iyo barwaaqo horumar iyo hirgalinta sharciga

Urur ahaan waxaanu diyaar u nahay talooyinka sharci e wax tarka u ah dalka jsl

      Allah Mahad leh

 Maxamed Maxamuud Xaashi——————-

Guddomiyaha Ururka Qareenada jsl ee SOLLA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here