Uhuru Kenyatta oo Mar kale loo Doortay Madaxweynaha Kenya iyo Mucaaradka oo ka Hor-yimid Natiijada Doorashada

0
1176

NAIROBI, (HargeisaPress) —Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo madaxweynihii shanaad ee dalkaas ka dib doorasho adag oo uu la galay hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay in Kenyatta uu helay 54% codadkii la dhiibtay ee doorashada ,iyada oo tirada dadka codeeyay lagu qiyaasay 78% dadweynaha Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo helay codad u dhigma %44.74 ayaa mar sii horeysaba qaadacay natiijada doorashada , isaga oo sheegay in doorashada wax is-daba marin lagu sameeyay.

“Dowladaha adduunka oo dhan si dhow ayey noola socdeen ,waxaan aamisanahay in si cadaalad ah oo hufan ay doorashadu u dhacday “ ayuu yidhi Wafula Chebukati oo la hadlay warbaahinta ka hor intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada

Ku dhawaaqista cid-da doorashada ku guulaysatay ayaa saacado dib loo dhigay maanta ka dib markii loo baah-day in dib u eegis lagu sameeyo codadkii laga dhiibtay degmooyinka ka baxsan caasimadda.

“Qayb ka ma noqon doono ku dhaawaqista doorashada, waayo guddiga doorashada tabashadeena waxba kama uusan qaban “ ayuu yidhi Musalia Mudavadi oo kamid ah Mucaaradka NASA horey –na u soo noqday madaxweyne ku xigeen.

Raila Odinga oo markii afaraad u tartamayay doorashada Kenaya ayaa sheegay in codadka doorashada lagu shubtay , isla markaana loo dhacay Kombuyuutarada doorashada ,taasi oo sababtay in meelaha qaar ay ka dhacaan rabshado.

“Waxaa nahay muwaadiniinta hal wadan , hadii tartan uu dhacana mar un waa ay jiri lahayeen kuwa guulaystay iyo kuwo laga guulaysto intaba , balse dhamaanteen waxaan leen-nahay wadankan , waxaan fidinayaa gacan saaxiibtinimo isuma nihin cadow “ ayuu yiri madaxweynaha la doortay oo ka hadlayay guuasha uu gaaray.

Ugu danbayn, kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday si xalaal ah ,iyaga oo ku baaqay in wixii tabasho ah lala aado maxkmad-da ,xilli taageerayaasha Uhuru ay isugu soo baxeen wadooyinka dalkaas si ay ugu dabaal dagaan guusha ay ka gaareen doorashada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here