UCID Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Xal Ka Gaadho Xaaladda Wasaarada Warfaafinta

0
1144

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa markii u horreysay ka hadlay xaaladda ka taagan iyo dhawaaqyada ka soo kala yeedhay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo dareemay.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Keyse ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in xal ka gaadho khilaafka ka taagan Wasaarada Warfaafinta, waxaanu yidhi “Buuqa iyo sawaxanka ka dhex jira Wasaarada Warfaafinta, waxaan u kala qaadayaa laba arrimood oo kala ah Sharci iyo Maamul, arrinta ah xilka igama qaadi kartid dalku Madaxweyne ayuu leeyahay, isaga ayaana laga rabaa inuu xaliyo oo ma aha inay mar danbe ku soo noqoto saxaafada, shacbiguna uma dul qaadan karo”. Yuusuf waxa kale oo uu intaasi ku daray “Radio Hargeysa iyo Tv-ga Qaranku waa murraayadii Qaranka oo arrintaasi waxay u taallaa Madaxweynaha, Wasiirkana waxaan leeyahay adiga ayey ceeb kugu tahay buuqa wasaaradaadu ee Kamaradaadu ha wada qabato shaqaalaha oo shaqaalahaagu hakuu sinnaadaan”.

Wasaarada Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka JSL ayaa waxa haatan ka alloosan khilaaf u dhexeeya Masuuliyiinta sare iyo madax hooseedyada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi, khilaafkaasi oo ka dhashay markii Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo uu maalmo ka hor soo saaray isku shaandhayn ballaadhan oo uu ku sameeyay madaxda qaybaha kala duwan ee wasaaradaasi, sida Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan, isla markaana uu Xilalkii kaga qaaday qaar ka mid ah Madaxdii qaybeedadii iyo madaxdii kale ee ka sii hooseysay, isagoo u magacaabay masuuliyiin kale oo cusub.

Laakiin, Isku-shaandhayntaasi ayaa sababtay inay ka dareen celiyaan madaxdii xilalka laga qaaday, iyo kuwii la bedalay iyo waliba suxufiyiin kale oo tiro badan oo wehelinayey oo ka mid yihiin kuwii ugu caansanaa ee muddada dheer ka soo shaqaynayey, iyagoo shir jaraa’id oo ay qabteen tallaabadaasi ku dhaliilay waxayna sheegeen in isku-shaandhayntaasi aheyd mid aan ku iman Go’aan uu Wasiirku gaadhay, balse ay jiraan Agaasime-waaxeedyo ka mid ah Wasaaradda iyo La-taliyeyaal si kooxaysi ah u shaqeeyaa oo Wasiirka majaro habbaabiyey, taasina keentay in Wasiirku uu Xilka ka qaado Agaasime-waaxeedyo aanu Magacooga iyo Muuqooga isku aqoonin.

Dhinaca kalena, waxa maalintii xigtay Shirka jaraa’id jawaab ka bixiyey Agaasimaha Radio Hargeysa oo uu weheliyo wariye kale oo ka tirsan Idaacada iyo SLNTV.

Arrintan ayey si weyn dadweynuhu isku weydiinayeen maalmihii la soo dhaafay, isla markaana u baahan in si masuuliyad, ixtiraam uu ku jiro in loo xaliyo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here