Twitter-ka Al-jazeera oo xayiraadii laga qaaday

0
911
Twitter-ka Al-jazeera

Doha, QATAR (HargeisaPress) —Twitter-ka Telefeshinka Al-jazeera qeyb-ta luuqada Af-Carabiga ayaa xayiraadii laga qaaday, kadib markii muddo kooban uu hawadda ka maqnaa.

TV-gga fadhigiisa dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, ayaa lagu eedeeyay in uu abaabulayo Olole.

Sida laga soo xigtay website shirkadda Twitter-ka , haddii account faraha uu kula jiro arrimo amni oo qatar ah ama uu jabiyo shuruucda shirkadda Twitter, waxaa la marsiinayaa shuruucda waxaana la xirayaa account Twitter-ka uu ku leeyahay.

Xiisada u dhexeeysa waddamada Khaliij-ka ayaa waxaa la sheegayaa in ay saameeyn ku yeellatay TV-gga, maadaama uu yahay Telefeshin-ka ay maamusho dowladda Qatar.

Dabayaaqada bishii May, website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-dii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here