Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabay Xubno Beeshiisa Katirsan Oo Maayarka Caasimadda eedeyay Raali Galina ka Siiyay Maayirka iyo Golaha Deegaanka

0
1016

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Diiriye,ayaa gaashaanka u daruurey Salaadiin iyo Kooxo dhaliilo ujeediyay Maayarka Caasimada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid(Soltelco).

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews kula soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta isagoo ku sugan Caasimada Hargeysa, waxa uu si adag ugu jawaab celiyay Suldaan iyo ooxo dhaliilo ujeediyay Maayarka Caasimada isagoo Suldaanka Guud ku celceliyay in aanay xaq u laheyn in ay nidaamka noocaas oo kala ah ku dhaliilaan Maayarka Caasimada maadaama ay yihiin Gole shacbigu soo doortey oo gudanaya waajibaadkooda shaqo islamarkaana, aanay magac beeleed ku dhaliili karin taas, oo aanay cidnaba ku matelin habayaraatee,

“Hadii maalin walba nin inta uu meel iska soo fadhiisto yidhaahdo anigoo Suldaan hebel ah oo beel heblaayo afkooda ku hadlaya, wax soconaya ma aha wax aanu ka aqbaleynana ma aha waayo nina kuma hadli karo afka beesha anigaa Suldaankii ah waxaan leeyahay cidna ma matelo ninka magaca beesha huwanayaa Maayarka Caasimadana xaal ayaan ka siinayaa hadalkaasi ninka Suldaanka sheeganayaa, ha sheegto cida uu Suldaan u yahay, Maayarka waxa lagu doortey sharci kii ka horeeyay waxa uu fadhiyay toban sanadood ninka leh Maayar labaad haloo sameeyo Caasimada muxuu markaa u odhan waayay, waa nasiib daro,dadweynaha reer Hargeysa ayaa doortey magaca Beelaha Somaliland anigaa ku hadli kara maadaama aan ahey Suldaankii Guud,

 

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa.”Maayarka Caasimada waxaan leeyahay Raali galin weyn ayaanu kaa siineynaa hadalkaasi,wax laga soo qaadayaan majirto raga halkaasi ka hadley iyo waxey ku hadleen una dulqaado dhacdhacyada noocaas ah howshaadana wado adiga iyo Golahaad hor joogaha u tahay ee sharciga ahi,Caasimada Hargeysi waxeynu ognahay in ay maanta isku qorshe iyo isku xeer tahay maadaama ay bogcad kaliya ku taalo Caasimadu imikana waan leeyahay horena waan u sheegay, wax qorshe ah oo ay ku kala duwan tahay habayaraatee majiro”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Gabagabadii waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ku celceliyay in uu Maayarka Caasimada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaankaba ka raali galinayo hadalkaas gefka ah ee ka yimid dad beeshiisa kasoo jeeda islamarkaana, hadalkaasi yahay mid aan meelna haysan oo sharciga iyo qawaaninta dastuuriga ah iyo qaranimada Somalilandnba meel ka dhac ku ah.

Suldaan Maxamed waxa uu dhinaca kale uga digey in aan looga dulqaadan karin hadalada noocaas ah ee ay ku kacayaan Shakhsiyaad aan Bulshadu la qabin fikirkooda isagoo, Tusaale usoo qaatey in aan hore loogula kicin Maayarkii hore ee Caasimada oo kasoo Jeeday Beesha Ciidagale.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here