Soomaaliya oo ka dalbatay Qaramada Midoobey in aan la fara-galin siyaasaddeeda arrimaha gudaha

0
864
Somali Ambassador Abukar Dahir Osman

Muqdisho, (HargeisaPress) —Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan (Abuukar Baalle) Khamiistii shalay ka dhax sheegay shirka Golaha Amaanka in aan la fara-galin siyaasadda gudaha Soomaaliya, labo maalmood kaddib markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Nicholas Haysom oo ah wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey.

‘’Codsigeena Golaha Amaanka Wakiiladdooda waxaa ay leeyihiin Waajibaad – islamarkaana ixtiraamaan waajibaadkooda shaqo, iyaga aan faragalin siyaasadda gudaha oo ay xaq u leedahay oo kaliya dowladda’’ ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey.

Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Dowladda federaalka ayaa siisay Wiilka Qaramada Midoobey Nicholas Haysom “Persona non grata” qof aan looga baahneyn dalka 01 bishan Janaayo, kaddib markii lagu eedeeyay in uu fara-galin toos ah ku sameeyay arrimaha gudaha Soomaaliya isaga oo baalmaray nidaamkii Diblomaasiyadda.

Mar uu ka hadlayay Danjire Abuukar arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo laftirkiisa hadal ka jeediyay kulanka si toos ah uma uu soo hadal qaadin ka eryadiisii shaqada gudaha dalka Soomaaliya balse waxaa uu mar kale ku celiyay walaaca uu ka qabo wixii ka dhacay doorashadii madaxtinnimada Koonfur Galbeed iyo xariggii musharax Mukhtaar Rooboow iyo dilka sida uu hadalka u dhigay 15 ruux oo dhintay intii ay socdeen rabashadii ka dhashay xariggii Rooboow.

Arrintan ayuu sheegay in ay mustaqbalka keeni karto dad kale u goosta Al-shabaab kuwaas oo ka faaidaysanaya qalalaasaha.

Xubno ka tirsan Golaha Amaanka ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ka shaqeynayo sidii uu dib shaqadiisa ugu celin lahaa Nicholas Haysom oo ay dowladda Soomaaliya ku sameysay shaqo ka ceyrin.

Farhan Haq oo ah ku-xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in arintan si qota dheer u baarayaan, lana ogaan doono dhabaanba sababa keenay is maa dhaafka, taasoo macnaheedu yahay in hab hoose oo Dibloomasiyadeed arinta loo wajahayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay siweyn uga carrootay Qoraal uu soo saaray Wiilka Qaramada Midoobey Haysom oo ku amray Wasaarradda Arrimaha Gudaha in ay jawaab ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here