Somaliland: Wefti Miisaan Culus Oo La Kulmay Madaxweyne Siilaanyo + SAWIRRO

0
956

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wefti Culus oo ka kooban Safiiro tiro badan oo wadamada Reer Galbeedka ka socda ayaa maanta galinkii hore ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport. Weftigan ayaa u jeedadiisa lagu sheegay Kaalmaynta Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada iyo waliba qiimaynta heerka dalku marayo.

madax 3

Weftigan oo Muddo saacado ah kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaa qodobada lagu lafo guray kulankaasi faahfaahin ka bixiyay Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.

madax 2

“Waxa maanta farxad weyn noo ah in Wefti balaadhan oo dhawr iyo labaatan qof ka kooban oo ka socda Midawga Yurub noo yimaadeen,kuwaas oo socdaalkoodu la xidhiidho inay wadanka eegaan oo qiimeeyaan horumarka dalku ka gaadhay xaga nabad galyada, Amaanka Xeebaha” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

maxada 4

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay u bandhigeen weftigan “Weftigan oo ka kooban dhamaan Wadamada Xubanaha ka ah Midawga Yurub(European Union), waxaanu u bandhignay sidaanu ugu baahannahay, sida Somaliland dedaalka uga samaysay la dagaalanka Budhcad badeeda,la dagaalanka Argagixisada iyo Nabad galyada iyo Xasiloonida wadankani keenay arkaan oo ay gacan ka gaystaan.”

 

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Wufuuda Reer galbeedku si aada ugu soo qulqulayeen Somaliland, kuwaasi oo inta badan balanqaada taageerada Somaliland ee dhinacyada horumarka,degenaanshaha iyo dimuqraadiyada.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here