Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabay Eedo Uga Yimid DDS Itoobiya

0
1007

Gabiley (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa si adag uga jawaabay hadal todobaadkii hore ka soo yeedhay sarkaal ka tirsan ciidamadda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Kaasoo sheegay in ay qabteen Rasaas badan oo laga soo gudbiyay magaall xuduudeedka Tog-Wajaale  gaar ahaana  dhinaca Somaliland.

Warka ku saabsan Rasaastaas  ay qabteen ciidamadda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo 3-dii bishan laga baahiyay TV-ga SRTV.  Sarkaalka TV-ga ka hadlay oo magaciisa lagu sheegay  gaashaanle dhexe Xasan Cabdi Gudaal.

Kaasoo sheegay in Rasaastaasi ay dhamayd 3000 oo baxadood, oo ah nooca loo isticmaalo qoriga loo yaqaano AK47,  taasoo   lagu qabtay laba nin oo ku dooday in ay yihiin dilaaliin ka ganacsadda Rasaasta.

Hase yeeshee Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, waxa uu sheegay in haddii ay jirto Rasaastaas uu sheegay sarkaalka dawlad degaanku in ay xogta la xidhiidha meesha laga soo iibiyay iyo cida loo waday ay la soo wadaagaan maamulka gobolka Gabiley.

Badhasaabka Gabiley ayaa ku dhaliilay masuuliyiinta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya in aanay hadalkaas ka fiirsan, isla markaana aanay uga hadal hanaankii ku haboonaa ee dawladnimo iyo xidhiidhka ka wada shaqaynta amaanka ee labadda dawladood.

Badhasaabka Gabiley oo ka hadlayay u jeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi  “Shirkan jaraa’id u jeedadda aan u qabtay waxay tahay in 3-dii bishan May ee aan ku jirno, war ka baxay TV-ga dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, oo ahaa Rasaas lagu qabtay  dhinaca Itoobiya ee Wajaale.

Rasaas taas oo ahayd 3000 oo xabadood, iyadoo nin Kornayl ahaa oo ka hadlayay uu sheegay in dadkii lagu qabtay Rasaastaas ay ku doodeen in ay ka soo iibsadeen magaaladda Wajaale dhinaca Somaliland”.

Waxaanu  intaas raaciyay badhasaabka Gabiley in Somaliland ay mar kasta ku dedaasho ilaalinta amaanka xuduudka ay la wadaagto Itoobiya, isla markaana aanay qaban in lagu eedeeyo in rasaastaas laga soo iibiyay dhinaca Somaliland.

“Waxaanu anagu (Somaliland) had iyo jeer ka shaqaynaa nabadgeliyadda iyo xuduudda labadda ee jaarka  ah ee Somaliland iyo Itoobiya sidii loo ilaalin lahaa. Anagu waxaanu ka shaqaynaa in aanu adkayno nabadgelyadda xuduudaha wadamadda aanu jaarka nahay.

Markaa naba qabato in la yidhaahdo Somaliland ayaa laga soo iibiyay Rasaastaasi. Waxay ahayd in ay xog la wadaagaan, oo haddiiba la qabtay Rasaastaas in cida lagu qabtay, haddii ay tuhun gashay in anaguna xogta aanu hellno, oo aanu baadhis samayno cidii laga soo iibiyay iyo cidii gacanta ku haysay in intaba la hello ayay ahayd.

Laakiin, in idaacadda laga sheego waa laga qurux badan yahay, iyadoo aanay xogtii iyo baadhitaankii  labadda dawladood wada wadaagin”ayuu yidhi Maxamed Cismaan Xaaji Axmed.

Geesta kale badhasaabka Gabiley waxa uu tilmaamay in xiligii uu qalalaasuhu ka taagnaa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee xukunka laga eryay madaxweynihii hore Cabdi Muxumed Cumar, in Somaliland ay qabatay gaadiid iyo hanti laga soo biliqaystay dhinaca Itoobiya.

Iyadoo gaadiidkaas iyo hantidaasiba dib loogu celiyay Itoobiya, sidoo kale-na ay ku dedaaleen in aan wax dhibaato ah loo gaysan baananka iyo hantida dawladda Itoobiya ee Wajaale gaar ahaana dhinaca Itoobiya xukunto.

Sidoo kale badhasaabka Gabiley ayaa uga digay masuuliyiinta degaanka Soomaalida Itoobiya in aanay fiicnayn in waxyaabo aan la isku hubsan la isku mariyo warbaahinta, iyadoo aanay saraakiisha Itoobiya ee Jig-jiga xogta Rasaastaas ku saabsan la soo wadaagin.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Markaa waxaanu leenahay warbaahinta waxa la isku mariyaa ma fiicna. Haddii xog la hello ama wax la qabto, waxaa fiican in hab dawladeed xogta loo wada hello,  loogana gun gaadho waxa jira.  Anagu waxaanu qabnaa wax xog ah ama warbixin ah oo ay nala soo sameeyeen masuuliyiinta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, oo Rasaastaas ku saabsan ma jirto.

Balse TV-goodda ayuun baanu ka maqalnay. Anagu ma qabno in Rasaastaasi ay ka timid Somaliland, ee waxaanu qabnaa in ay  been abuur laga dhex samaynayo labadda wadan”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan u jeedinayaa saraakiisha ku hawlan arrimahaasi, waa in aad had iyo jeer ka feejignaataan, oo xogta la wada wadaago. Waayo? Amnigu wuu igana wada dhexeeyaa, waxaana loo baahan yahay in aynu xogaha is dhaafsano, wixii wadan caqab ku ahna, wadanka kale caqabad ayuu ku yahay.

Markii wixii dhibaato marka la qabto waa in si mug iyo miisaan leh loo baadho, oo looga baaraan-dego,  oo labadda danbiile ee labadda dhinaca kala jooga la qabto. Laakiin, in warbaahinta la isku mariyo waa laga fiican yahay ayaan qabaa.

Markaa waxaan ku boorinayaa maamulka  dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo saraakiishoodda ciidamadda in la qaato,  oo lagu wadahadlo hab dawladeed”ayuu yidhi Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, badhasaabka Gabiley.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here