Somaliland oo Mowqif Cad Iska Taagtey Go’aanka Somalia Ka Qaadatay Wakiilka Xoghayaha Guud.

0
939

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada Somaliland ayaa la safatay wakiilkii Qaramadda Midoobay u qaabilsana Soomaaliya Nichlos Haysom ee soomaaliya ka caydhisay dalkeedda.

Xukuumaddu waxay ku amaantay wakiilka Un-ta u qaabisan Soomaaliya in uu dadaal u galay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u helida khilaafyadda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya.

“Dawlada Somaliland waxay u cadaynaysa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka intaba in ay ka xun tahay go’aanka Somalia ka qaadatay Wakiilka xoghayaha guud ee UN-ta mudane Nicholas Haysom.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.

War-saxaafadeedkan waxa uu u qornaa sidan “Dawlada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo tixgelinaysa iskaashiga  iyo taageerada dhanka horumarka iyo bani’aadamnimada  ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa  waxay  ku war-galinaysaa  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  in go’aankaasi aanu khusayn Somaliland, isla markaana ay dawladda Somaliland si buuxda ula shaqaynayso Jimciyada quruumaha ka dhexaysa iyo laamaheeda kala duwan.

Dawlada Somaliland waxay ku bogaadinaysaa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Hayson in uu mudadii uu joogay xafiiska uu dedaal xoog leh u galay nabadaynta Somalia dhexdeeda iyo xal-uraadinta khilaafka Somaliland iyo Somalia.

Ugu dambayn, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsantahay in go’aankan ka dhanka ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  uu ka xeel dheer yahay waxa lagu sababeeyay, isla markaana uu ka dhalan karo cawaaqib xumo mustaqbalka.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here