Somaliland oo Midawga Yurub, Baanka Adduunka iyo Midawga Afrika Shir Kula Yeelanaysa Nairobi

0
1013

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay heerka uu marayo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya xilli hakad ku yimi fiisihii dal-ku-galka ee ay bixin jirtay safaaradda Hargeysa ee waddankaasi.

Wasiir Maxamed Biixi, waxa uu sheegay in sababta joojisay fiisihii ay bixin jirtay safaaradda Itoobiya ku leedahay caasimadda Somaliland tahay cilad farsamo oo iyaga ku yimi, kadib markii ay ka kala go’een waraaqaha (Sticker) lagu dhejiyo baasaboorrada, taas oo la wado sidii looga bixi lahaa, balse aanay ahayn arrin wax lug ah ku leh xidhiidhka labada dal.

“Dawladda Somaliland iyo Itoobiya waa laba waddan oo jaar ah, qilaacaad badan baa naga dhexeeya, sidaanu la soconno waxa dhacay inay kala go’een istiikarradii Fiisaha lagu dhejinayay, waanay noo soo warrameen, annaguna waanu u sheegnay bulshada Somaliland in waxa hakiyay tahay waraaqihii oo ka go’ay. Hawshiinna Khamiistii bay dib u bilaabeen oo way socotaa, waanay noo ballanqaadeen inay dedejinayaan dadkii badnaa ee liiska sugista ku jiray, waxaanan filaynaa in hawshaasi dhammaatay,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA shalay, waxaannu intaa ku daray in aanay waxba iska beddelin xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya, “Xidhiidhka labada waddan aad ayuu u wanaagsan yahay intii horena wuu ka sii xoog badan yahay, xidhiidhka dawladda Itoobiya iyo Somaliland waa mid taariikhiya, waa mid walaalltinimo leh oo aanu aad isgu dhawnahay, wax dhibaato ah oo ka dhici kara labada waddan dhexdooda ma jirto, waxaannu qabaa waa dadka aannu dad isugu dhawnahay, markaa waxaan filayaa hakadkaa yar wuu dhici karaa, laakiin wax isbeddel ah oo ka dhacay xidhiidhka labada dal ma jiro oo waxaan odhan karaa waa uu sii xoogaystay.”

Maxamed Biixi

Mar wax laga waydiiyey sababta baajisay kulan lagaga hadlayey mashruuca dhismaha jidka la doonayo inuu isku xidho Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu xusay in wasiirro ka tirsan Somaliland, Midawga Yurub, Baanka Adduunka iyo Midawga Afrika ay kulan ku yeelan doonaan magaalada Nairobi 7 July oo ah labada toddobaad ka bacdi.

“Kulankaasi wuxuu ahaa inuu 2-dii bishan dhaco, dib baanu u dhignay oo waxaannu ku ballansanahay in shir ka dhici doono Nairobi 7-da July oo lagaga hadlayo dhismaha jidka (Berbera Coridor) ee Berbera ilaa Tog-wajaale oo sidaad la socoto Midowga Yurub hawshaa qabtay, arrimo farsamo awgeedna macluumaad badan ayaa loo baahday, daraasad qiimayn ah oo macluumaad badan wadata ayey sameeyeen Midowga Yurub, arrintaas ayey wasiirradeenna, kuwa EU-da, Baanka Adduunka iyo Midowga Afrika ku ballansanyihiin inay kulmaan bisha July 7-deeda,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi.

Geesta kale, Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu ka hadlay waxa uu soo kordhiyey safarkii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa ku tageen dalka Imaaraadka Carabta, “Cilaaqaadka Somaliland iyo Imaaraadku aad ayuu u xoogaystay, Madaxweynaha Somaliland dhawaan waxa uu casuumad ka helay madaxda waddankaas, waxaannu aragnay walaaltimo cusub iyo galgacal isu soo dhawaansho wayni inuu na dhexmaray, Sheekhuna waxa uu yidhi dad walaalo ah oo kala maqnaa ayeynu ahayn, laakiin maanta aad iyo aad baanu isugu soo dhawaanay, waxqabad fara badan ayey noo ballanqaadeen, horumar xoog leh ayaanu ka filaynaa inay wax nagala qabtaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Maxamed Biixi Yoonis.

 

 

Source: Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here