SOMALILAND: Masuuliyiintii Hore Ee Bangiga Dhexe Oo Xilalkii Wareejiyey Iyo Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey

0
939

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyihii iyo Agaasimihii hore ee Bangiga dhexe ee Dawladda, ayaa xilalkii ku wareejiyey masuuliyiinta dhawaan loo magacaabay, munaasibad ka qabsoontay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Cabdilaahi Xasan Aadan Agaasimihii hore ee Bangiga dhexe iyo Guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Ibraahim, ayaa Xafladaasi ka jeediyey khudbado la xidhiidha waxqabadkii Bangigu sameeyey muddadii ay xilalka hayeen.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wakiilo ka socda Bangiyada gaarka loo leeyahay, Masuuliyiin ka socda laamaha Dawladda iyo xubno ku hadlayey marti-sharafta, oo halkaa ka hadlay soo dhaweeyey maamulka cusub, kuwii horena amaan ku sagootiyey.

Guddoomiyaha cusub Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Axmed Xasan Carwo Agaasimaha cusub ee Baanka, ayaa iyaguna balanqaadyo halkaa ka jeediyey.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa todobaadkan horaantiisii xilalka ka qaaday maamulkii hore kuwo cusubna u magacaabay Bangiga dhexe ee Dawladda oo maamula Lacagta dalka iyo Bangiyada kala duwan ee dalka ka shaqeeya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here