Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Maanta U socdaalay Imaaraadka Carabta + SAWIRRO

0
1091
Madaxeyne xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici
Madaxeyne xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici

Hargeisa,(HargeisaPress) — Madaxeyne xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta dalka ka dhoofay. Waxa uu sheegay madaxweynuhu inuu ka qayb galayo shir lagu casuumay Somaliland .

Madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa inta aanu dhoofin warbaahinta ugu waramayey qolka nasashadda ee madaarka magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in shirkaasi yahay mid ay iskugu imanayaaan madaxda galbeedka qaaradda Afrika kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan sideed madaxweyne oo afrika ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo xaaskiisa
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo xaaskiisa

Shirka oo ka dhacay isku taga Imaaraadka Carabta, ayaa lagaga hadlayaa Maalgalinta Wadamada ka qayb galaya

“Waxaan maanta u baxaynaa safar yar oo gaaban, waxaanu ka qayb galaynaa Madal maalgalineed oo nalagu marti qaaday oo loo qabtay Dalal ka mid ah Africa-da galbeed, waxaa ka soo qayb galaya 8 Madaxweyne oo Africa-da galbeed ah. Waxaa ka soo qayb galaya Maalgaliyeyaal tiro badan anagana waa nalagu marti qaaday si aanu goob joog uga noqono oo aanu uga faa’iidaysano. Waxaanu u bandhigaynaa in somaliland tahay dal u furan Maalgashiga, fursado badan oo maalgashina leh” Madaxweyne xigeenka oo Saxaafadda kula hadlayay Madaarka Hargeysa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiir-u-dowladaha maaliyadda Cismaan Saxardiis, xaaskiisa iyo xubno kale.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here