Somaliland: Dabley Weeraray Mid ka mid ah Xarumaha ay ka socoto Diiwaan-galinta ee Gobolka Awdal

0
773

Boorama , (HargeisaPress) —Dablay aan la garanayn ayaa weerar ku qaaday mid ka mid ah Goobaha ay Shacahku iska Diiwaan-galinayaan oo ku taalla Degmada Lugahaya ee Gobolka Awdal; iyadoo Dableydan ay weerarkooda la beegsadeen Xarun Diiwaan-gelin oo ku taalla deegaanka Saba-wanaag oo Degmada Lughaya ka tirsan.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dablaydan ay watay Gawaari, iyagoo rasaas ku furay mid ka mid ah goobaha ay Diiwaan-galintu ka socotay, Waxayna Goobtan la Weeraray 30-km dhinaca Bari ka xigto degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

 

Sidoo kale, Wararka ayaa xusaya in dablayda ay Khasaare u geysteen gaadiid ay lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Gaadiid ay lahaayeen dad kale oo Shacab ah, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay afar gaari.

 

Waxaa jirta in dablayda weerarka qaaday ay qaateen gabi ahaanba qalabkii diiwaan-galinta ee lagu shaqaynayay, balse waxaa laga badbaadiyay shaqaalihii ka shaqaynayay deegaanka Saba-wanaag oo ah halka uu Weerarkani ka dhacay oo ka tirsan degmada Lug-haya.

 

Illaa hadda ma cadda dablayda weerarka ku qaaday mid ka mid ah goobaha lagu diiwaan-gelintu ka socotay ee gobolka Awdal, hase ahaatee Komishanka oo goor dambe saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in dabley aan la garanayn ay weerar kusoo qaadeen, iyagoo intaa ku daray in dabeyda ay kusoo weerareen goobtaas hub iyo gawaadhi ay wateen, iyagoo guddiga doorashooyinku ay Xaqiijiyeen inay agabkii lagu shaqaynayay qaateen dableydu, kaddib markii weerarku uu halkaas ka dhacay.

 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdulqaadir Iimaam Warsame ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dableydii weerarkan soo qaadday ay goobta ka baxsadeen, illaa haddana la oga halka ay aadeen.

 

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ku Daba-jirta dablaydii Weerarkan ku qaaday mid ka mid ah Xarumaha Diiwaan-galinta Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal Deegaan hoos-yimaada oo lagu Magacaabo Saba-wanaag, Waxaana laga War-sugi doonaa Halka ay arrintani salka dhigato.

 

Ugu dambeyntii, Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay oo kooxo Hubaysan ay ku Qaadaan mid ka mid ah Goobaha lagu Diiwaan-gelinayo Shacabka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here