SIDEE AY SUURAGAL KU TAHAY IN SOMALILAND AY KA DHACDO DOORASHO XOR AH OO XALAAL AHI?

0
1258
Muhámed Dhimbiil

MARKA AAD EEGTO DURUUFAHAN.

1- Awood daridda komishanka doorashooyinka qaranka oo si cad u soo baxday wakhtigii diwaan galinta doorashooyinku dalka ka socotay, oo dhag jalaq loo siin waayey awaamiirtii ay soo saarayeen.

2- Xukumad aan ixtiraameyn shuruucda dalka u taalla oo awoodii dawladnimo si khaldan u fahantay, ugana faaiideysanaysa danta xisbigeeda marka aad eegto isticmaalka dhaqaalahii ummadda iyo warbaahintii dalka iyo shaqaalihii Qaranka oo si gaara loogu tagrifalayo.

3- Marka aad eegto fadhiidnimada iyo fashilka ka soo baxay Hay’adihii dalka ugu sareeyay sida Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, iyo Maxkamadihii Dalka.

4- Marka aad eegto tacaamilka iyo nidaamka loo maamulo ciidamada dalka wakhtigan oo aan haysan kalsoonidii iyo madax banaanidii ay haysteen xukumadihii hore, waa qaar aan la isku halayn karin, dhexna aan u noqon karayn Umadda reer Somaliland.

5- Marka aad eegto isku kalsoonaan la’aanta iyo aamin daradda asxaabta mucaaridka dhexdeeda taala oo lagala dagaalamay tawfiiqdii ay isku raaci lahaayeen kagana hadli lahaayeen wax kasta oo lid ku ah nidaamka dimuqaradiga ah ee somaliland qaadatay.

Intaa marka lagu daro dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay oo tusaale wanagsan iyo qaar wax lagu ogaado inoogu filan, oo ay ka mid ahayd doorashadii Gudomiyaha golaha wakiiladu.

Doorashadaasi waxa ay iftiimisay musuqa iyo wax isdaba marinta badheedhka ahayd ee dhacday.

Doorashadaa Gudoomiyaha Golaha wakiiladu waxa ay ina tustay meeqaamka cadaalada iyo garsoorka dalkeenu halka ay taagan tahay.

Dhacdooyinkaa ugu dambeeyay waa qaar inoogu filaadey in dalkeena boob iyo musuq doorasho oo badheedh ahi ka dhici karaan .

ISKU SOO WADA DUUBOO DOORKAN WAA KU SHUBASHO LOO DIYAAR YAHAY MUCARID IYO MUXAAFID HADAY SIDAN KU SOCOTO.

Aragtidii Muwaadin : Muhamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here