Shirkii Suxufiyiinta Bariga iyo Bartamaha Somaliland oo Maanta lagu soo Gunaanaday Berbera + SAWIRRO

0
885

Berbera, (HargeisaPress) —Shir uga Socday Magaalada Berbera Ururka Suxufiyiinta Bariga iyo Badhtamaha Somaliland ee SECJA ayaa maanta lagu soo gabogabeeyey hoteel Maansoor ee magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Shirka ayaa laba cisho uga socday suxufiyiin ka kala yimid goboladda Saaxil, Togdheer iyo Sool, kuwaasoo ku dooranayay Hoggaanka Ururkooda iyo kan guddida fulinta.

“Maanta waxaanu galnay maalinti labaad ee shirwaynaheena waxana aan ku qaada dhignay oo aan ku saxnay xeerka rasmiga ee aanu ururkanu kukala wadayno, waxana ilaahay uga mahadnaqayna sida wanaagsan ee ay nagu soo dhamaatay, waxa kale oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan doorana hogaan ka kooban kow iyo 10-xubnood oo aanu ugaranay in muddo sanada ay hagaan, ururkani waxa ilaahay uga baryaynaa in xilkaasi ilaahay idin fudeeyo urukeenana waa mid ka madax banana ururada saxafadeed ee hore uga jiray Somaliland” ayuu yidhi Axmed Siciid Maxamed oo ka warbixinayey ujeedadda shirkan.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomyeyaasha xisbiydda iyo qaar kamid ah xildhibaanadda golaha deegaanka degmadda Berbera, kuwaas oo soo dhoweeyey ururkaan cusub ee ay ku bahoobeen wariyeyaasha goboladda bariga Somaliland.

Shirkii_Suxufiyiinta_Somaliland (2)

“marka hore waxaan Hambalyeynyaa Ururkan cusub ee Saxafiyiinta bariga iyo bartamaha Somaliland ee SECJA, weliba si gaar ah ayaan u soo dhoweynayaa,” ayay Hoodo Axmed Yaasiin oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil ka sheegay munaasabadda.

“aad iyo aad ayaan Idinku Hambalyaynayaa Waana Ku Faraxsanahay Runtii Kasoo qayb galkiina dhuumasho Igu Maaha Waan ku Faanaya waan ku Faraxsanahay kalsoonibaana Idin kula Jooga waxaana leeyahay ALLE ha idinku garab-galo, cadaaladda iyo daacada ka horumariya danaha gaarka ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Curad gudoomiyaha wargeyska Yool, isla markaana ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee ururka SOLJA.

Sidoo kale, waxa isaguna dhalinyartan u hambalyeeyey gudoomiyaha wargeyska OGAAL Muuse Faarax Jaambiir, waxaanu yidhi “wariyeyaasha gobolada bariga ka yimid ee safarka dheer soo maray aad iyo aad baan idinku mahadnaqayaa muhiimda ugu weyn ee aan idinku imidna waxa weeyi inaan idiin hambalyeeyo, waxaana idinku dardaarmayaa inaad kuraasta hablaha wax aka siisaan”ayuu yidhi Jaambiir.

Shirkii_Suxufiyiinta_Somaliland (1)

Gabagabadii waxa xafladda ka hadlay gudoomiyaha ururkan Yaasin Jaamac, ku xigeenkiisa Axmed Muuse Sakaaro iyo xogyaha guud ee ururkan C/raxmaan Cali Ducaalle, kuwaasoo sheegay in ururkoodu ka madax-banaan yahay Ururada kale ee dalka ka jira, isla markaana ujeedadiisu tahay inay kor u qaadaan mihnadda saxaafada ee wariyeyaasha gobolada bariga Somaliland.

Waxaana shirka lagu doortay guddida fulinta ee uu ka koobnaan doonno ururka saxafiyiinta bariga iyo badhtamaha Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here