Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom oo Abaal-marino guddoonsiisay Macaamiisha Ku Guulaysatay Abaal-marinaha Bishii April + SAWIRRO

0
1303

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa abaal-marino guddoonsiisay macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marina billaha ah ee Aqoonmaal, Hano Hadyadda iyo Jidka Makka.

Shirkadda Telesom ayaa xafladda abaal-marinta ku qabatay xarunta guud ee shirkadda ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda iyo macaamiisha shirkadda ee gobolka maroodi-jeex ee ku guulaystay abaal-marinaha kala duwan ee shirkadda.

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa laanta Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Muuse Siciid Maxamed waxaanu ka warbixiyey abaal-marinaha shirkaddu guddoonsiisay macmiisheeda, waxaanu yidhi, “Barnaamijka aynu maanta u fadhino wuxuu ka kooban yahay, saddex barnaamij oo kala duwan oo mid walba ay shirkaddu ku bixiso abaal-marino. Kow waxaa ka ah barnaamijka Hano Hadyaddaada oo macaamiisha moobaylkooda ka  isticmaasha internet-ka oo qof kasta oo macmiil u ah shirkadda TELESOM oo internet-ka isticmaala moobaylkiisa waxa uu awood u leeyahay inuu barnaamijkaa ka soo qayb-galo, nasiibkiisana tijaabiyo. Barnaamijka labaad waxaa weeye Cimro oo ah barnaamij runtii aad iyo aad u qaaliya. Bilkasta waxay shirkaddu ugu talo-gashay inuu hal macmiil tago masjidul xaraamka, waana jaanis aad iyo aad u qaaliya runtii. Barnaamijka saddexaad ee soo raacaa waxaa weeye Aqoon-maal oo isagu runtii muddo badan soo jiray, oo isagana macmiil ka badan kontameeyo ay bil walba hadyaddo kala duwan ay ku guulaystaan”.

Md. Muuse Siciid ayaa sheegay in hadyadaha ay macaamiishu ku guulaysanayaa ay ka mid tahay talaagado, qasaalado, shooladaha cuntadda lagu karsado ee SOMGAS, tablet-yo, moobaylada Smartphone ee ku shaqeeya adeega 4G, Mifi-yo, qalin-quraan iyo hadyaddo kale.

Haddaba qof doonaya inuu ka qayb-galo barnaamijka Jidka Makka wuxuu ereyga Cimro u dirayaa lambarka gaaban ee 111, shuruuda ku xidhan ka qayb-galka adeegaa waxaa weeye inuu macmiilku ka mid yahay macmiisha dibadda la hadasha. Adeega Hano Hadyaddaa waa inuu ka mid yahay macmiisha moobayladooda ka isticmaasha Internet-ka, sidoo kalena waa inuu fariin u diraa lambarka gaaban ee 111 isagoo qoraya ABAAL-MARIN. Adeegga Aqoonmaal waa inuu ka mid yahay macaamiisha ka diwaan-gashan adeegan bishii ugu dambaysay.

Munaasibadan waxaa isaguna ka hadlay maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Shaqale waxaanu dhammaan macmiisha Telesom uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay u isticmaalaan adeegyadda kala duwan ee shirkadda, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, “Ujeeddada aanu ka leenahay abaal-marinta macaamiisha TELESOM waxaa weeye in adeeggayaga TELESOM aad loo sii dhex galo oo aanu macmiishayadda ku soo dhawayno, oo macmiishayadu helaan jaanis ay ku baadhbaadhi karaan adeegayaga kala duwan iyagoo ku go’aan qaadanaya inay ku helaan hadyaddo ay shirkaddu ku siiso. Ta kale waxaa weeye in shirkadu ay suuqa gaadhsiiso in adeegyadaa ay shirkaddu hayso”.

Maxamed Cabdi Darbo maamulaha Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM oo xafladaasi soo afmeeray ayaa ugu horayn u mahadnaqay una hambalyeeyey dhamaam macaamiisha ku guulaysatay abaal-marinaha shirkaddu bixisay. Dhanka kale Md. Darbo ayaa ka hadlay adeegyadda kala duwan ee shirkaddu bulshadeeda dib ugu celiso, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Waxyaabaha aanu xooga saarayno waxaa ka mid ah in aan dhisno xidhiidh xoogan oo dhex mara shirkadda iyo bulshada, iyo in la isfahansiiyo qiimaha ay shirkadani dalka ugu fadhido iyo muhiimada ay u leedahay. Waxa ugu horeeya inay shirkaddani noqoto, shirkadda abuurta shaqo abuur badan, maadama ay dalka aqoonyahano  badani ku nool yihiin, inay shaqo abuurka dalka qayb ka qaadato oo walib ay tahay qaybta ugu muhiimsan. Inay u soo kordhiso adeegyo tayo leh oo bulshaddu runtii ay ku diirsadaan oo horumar leh, lana jaanqaadi kara caalamka. Waxaa kale oo naga go’an in aanu dhisno ama kobcino waxyaalaha aynu meelo badan uga baahan nahay oo ah barnaamijyo iyo mashaariic waaweyn oo wax tar leh”.

Saynab Cali Ibraahin oo ku guulaysatay abaal-marinta weyn ee Jidka Makkaa oo ka mid ahay macmiishii ka hadhashay madasha ayaa iyadoo aad u faraxsan si aad iyo aad ah ugu mahadnaqday shirkadda Telesom abaal-marinta ay guddoonsiisay.

Waxaa iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ay shirkaddu bixisay waxaanay si aad ah uga mahadnaqeen shirkadda abaal-marinaha ay macaamiisheeda guddoonsiisay, waxaanay shirkadda ku dhiiri-galiyeen inay sii wado dadaalka ay bulshadeeda ku dhiiri-galinayso.

LEAVE A REPLY