Shirkadda DP WORLD iyo Xukuumadda Dubai oo Kala Saxeexday Heshiis Khuseeya Maalgashiga Somaliland

0
1074
foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire

Maamulka Shirkadda DP WOLRD oo shaaciyey inay samayn doonaan maalgashiga goobta cashuuraha ka caagan ee Somaliland iyo in Dekedda Berbera laga dhigo marinka ganacsiga Geeska Afrika

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda DP WORLD iyo Xukuumadda Dubai (Government of Dubai), ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiiska kama dambaysta ah ee lagu horumarinayo dhismaha Aagga cagaaran ee cashuuraha ka caagan ee Somaliland (a greenfield economic free zone), kaasoo door ku yeelan doona koboca dekedda Berbera.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed lagu faafiyey Waaxda Warbaahinta ee Xukuumadda Dubai (The Government of Dubai Media Office) oo HargeisaPress soo xigtay xalay, heshiiska ay Shirkadda DP WOLRD iyo xukuumadda Imaaradda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabtu kala saxeexdeen shalay, waxa uu horseedayaa in la iska kaashado maalgashiga iyo dhismaha Suuqa Cashuuraha ka caagan ee laga hirgelinayo magaalada Berbera.

Waxa ayna DP WORLD doonaysaa inay sannadkan lagu jiro ee 2018 bilawdo dhismaha dhulka loogu talogalay Aagga Cashuuraha ka Caagan ee magaalada Berbera, kaasoo cabbirkiisu yahay 12 km oo isku wareeg ah, kaasoo ku yaal duleedka dekedda Berbera, iyadoo uu mashruucan taageeri doono in dekedda Berbera u kobocdo si ay u noqoto xuddunta habaysa ama bu’da ganacsiga Mandaqadda Geeska Afrika, sidoo kale laga heli doono shaqo-abuur badan.

“Hiigsigayaga Dekedda Berbera, waxa uu yahay in aannu ka dhigno ubucda iyo xuddunta marinka badda ee ugu weyn Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu horumarkeeduna dhiirigelin doono koboca dhaqaalaha gobolka oo dhan. Waxa kaloo ay sare u qaadaysaa barwaaqada gudaha (dadka reer Somaliland), sidoo kalena waxa uu kordhinayaa shaqo-abuurka dadka Somaliland iyo jiilashada mustaqbalka dambe.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda DP WORLD Mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem, kadib markii uu heshiiska saxeexay shalay.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu rajaynaynaa in aannu halkan (Somaliland) la nimaadno khibradayada Adduunka, sidoo kalena aannu gacan ka gaysanno horumarinta lagu samaynayo jidka Berbera (ee isku xidhaya dekedda iyo Itoobiya –Berbera Corridor), kaasoo fure muhiima u ah dhiirigelinta dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Geeska Afrika.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sheegay in horumarinta Aagga Cashuuraha ka Caagan (free zone) uu ka qaybqaadan doono kobcinta dekedda Berbera, waxaannu yidhi; “Horumarinta lagu samaynayo Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa uu awood u siinayaa dekedda Berbera ay ganacsiga u noqoto albaabka uu ka galo Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda Afrika.

Waxa kaloo uu Wasiir Sacad Cali Shire tilmaamay in maalgashigan lagu samaynayo Dekedda Berbera iyo goobta cashuuraha ka caagan ay faa’iido u yeelan doonaan bulshada reer Somaliland, isla markaana ay dhiirigelinayaan in shirkadaha ganacsatada yaryar iyo kuwa heerka dhexeba ay fursad u helaan dhul ganacsigoodu ku horumaro, isagoo xusay in iskaashiga dhexmaray Somaliland iyo DP WORLD uu yahay mid farxad gelinaya horumarka iyo faa’iido guud oo la wada gaadho.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, suuqa ganacsiga ee cashuuraha ka caagan, waxa uu noqon doonaa mid laga hirgeliyo noocyada ganacsiga kala duwan, dhismaha hangarro waaweyn oo badeecadaha la dhigo, xarumaha adeegga ganacsiga (logistics), kaasoo sidoo kale ay ka shaqaysan doonaan ganacsatada, warshadaha wax-soo-saarka iyo waxyaabaha la xidhiidha ganacsiga oo dhan.

Waxa kaloo heshiiska ay kala saxeexdeen Shirkadda DP WOLRD iyo xukuumadda Dubai lagu sheegay in suuqa ganacsiga cashuuraha ka caagan ee Berbera noqon doono mid heerkiisu gaadhsiisan yahay Aagga cashuuraha ka caagan ee dekedda Jebel Ali ee ku yaal magaalada Dubai (Jebel Ali Free Zone -Jafza) ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo loogu talogalay inuu soo jiito maalgashiga, dhiirigeliyana ganacsiga, isla markaana uu abuuro shaqooyin cusub iyo sare u qaadista meqaamka Dekedda Berbera ee ah inay noqoto deked marin u ah Gobolka Geeska Afrika.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here