Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways oo joojinaysa duulimadyadeedii dalalka Liberia & Sierra Leone

0
981

Nairobi,(HargeisaPress) — Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday maanta inay joojinayso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Manrovia oo ah caasimadda dalka Liberia iyo Free Town oo ah caasimadda dalka Sierra Leone, cabsi laga qabo cudurka Ebola awgeed. Duulimaadyada ayaa waxay joogsanayaan saqda dhexe habeennimada Talaadada ah ee soo socota oo ay bishan ku beegan tahay 19-ka, sida ay Kenya Airways ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ay maalmo ka hor soo saartay digniin ku saabsan in dalka Kenya uu khatar ugu jirto cudurka Ebola, maadaama ay diyaaradaha dalkaas duulimaadyo ku tegi jireen dalalka uu cudurkan ka jiro. “Waanu ka xunnahay inaan safarkiinna idinka carqaladeyno, maalmaha soo socda waxaan siinaynaa dadkii horay tigidhada u goostay, wixii maanta ka dambeeyana ma jirto tigidh aan u jarayno dalalkan,” ayuu yiri Titus Naikuni oo ah guddoomiyaha shirkadda Kenya Airways. Sidoo kale, warbixinta Kenyan Airways ayaa lagu xusay inay sii wadayso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dalalka Nigeria iyo Gana oo ka mid ah kuwa ku yaalla Galbeedka Afrika, oo cudurka Ebola uu ka dillaacay. Madaxa Kenya Airways, Titus Naikuni ayaa sheegay inay shaacin doonaan haddii ay jiraan dalal kale oo uu go’aankoodan saameyn karo, isagoo xusay inay go’aankoodan uu yahay mid ay uga hortagayaan khatarta iyo cabsida laga qabo cudurkan halista ah. Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha caafimaadka, xildhibaanno iyo dad shacab ah ay xukuumadda Kenya ka dalbadeen inay joojiso duulimaadyada ay ku tagayso dalalka uu cudurka Ebola ka jirto, si cudurkaas uusan ugu soo gudbin dalkooda. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Kuuriya uu ku dhawaaqday maalmo ka hor inuu joojisay duulimaadyadii uu ku tegi jiray dalka Kenya, cabsi uu ka qabo in cudurkan Ebola uu uga soo gudbo Kenya oo la shaaciyay inay ugu jirto khatar cudurkaas.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here