Sababaha keenay in la Xidho qaar ka mid ah Hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta.

0
800

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada amaanka gaar ahaan Booliska ayaa maanta xabsiga u taxaabay 7 Xubnood oo ka mid ah Hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta kuwaas oo rabshad ka sameeyay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Qadiyada xidhitaanka hawl wadeenadan ayaa salka ku haysa kadib markii ay isku dhaceen qaybo ka tirsan Shaqaalaha wasaaradda iyo ciidanka ilaalada wasaarada taas oo salka ku haysa adkaynta amaanka wasaaradda maadaama la galay u diyaar garawga Munaasibada qaran ee 18 May.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sameeyay nidaam ay ku xoojinayaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxaana la dejiyay Kaltan maalmeed lagu soo galayo xarunta wasaaradda iyadoo qofkii aan shaqo lahayni aanu soo galayn Kaanboolka Wasaaradda,Sidoo kale Marka uu hawl wadeenku shaqadiisa dhamaysto waxaa lagu amray inuu ka baxo xarunta wasaarada,Maadaama ay noqotay hab dhaqan soo jireen ah in qof aan shaqo u lahayni uu u soo qayilaad tago xarunta wasaarada.

Madax ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa noo xaqiijiyay in Shaqaalaha la xidhay ay ku kaceen rabshad iyo xaalad abuur isla markaana la dagaalameen Ciidanka booliska taasina ay soo dedejisay in la xidho si aanay xaaladu faraha uga bixin una lumin nidaamka kala danbayneed ee Shaqada.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Shaqaalaha la Xidhay ayaa Hujuumay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Xiligaas ku sugnaa Xafiiskiisa hasa yeeshee waxaa arrintaas gudo galay Ciidanka soona qabtay hawl wadeenkii falkaas gaystay.

Geesta kale Xogo Cusub ayaa xaqiijiyay in Maareeyihii Xilka laga qaaday ee Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas uu ka danbeeyay rabshadii maanta ka dhacday Kaanboolka Wasaarada Warfaafinta,isagoo soo abaabulay dhallinyaro uu ka dhaadhiciyay Fikrado Khaldan oo beelnimo ku salaysan taas oo Sida ay Madax ka tirsan Wasaaraddu noo cadeeyeen baal marsan nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha .

Dhinaca kale Waxaa la soo dedejiyay Xil wareejin deg deg ah oo loo balamay Beri oo Khamiis ah in Xilka laga tiriyo Maareeyihii Telefishanka qaranka taas oo ka soo baxday Xarunta Qasriga Madaxtooyada iyadoo uu Maareeyihii hore ka dhago adaygay Xil ka qaadistii uu todobaadkii tegay ku sameeyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaana loo magacaabay inay Goob joog ka noqdaan Xil wareejintiiisa Gudi heer wasiiro ah oo ay ka mid Yihiin Wasiirada Warfaafinta, Gaashaandhiga,Maaliyada.

Xaalada Wasaarada ayaa haatan ah Mid Sideedii u socota mana Jirto Wax Carqalad ah oo ka taagan Kaanboolka Wasaaradda Warfaafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here