Qunsulka Itoobiya Iyo Madax Ka Hadashay Xuska Qowmiyadaha Itoobiya Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
890
Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr: Berhe Tesfay

Hargeysa, (HargeisaPress) —Qunsulka Itoobiya u qaabilsan Somaliland, Brig Gen Mr. Berhe Tesfay ayaa ugu baaqay dhamaan jaaliyadda Itoobiya ee degan Somaliland inay wadajir uga shaqeeyaan horumarinta Itoobiyada cusub.

Mr. Berhe oo khamiistii ka hadlayey munaasib lagu xusayey sannadguuradii 11aad ee Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, oo lagu qabtay Hargeysa, kana soo qeybgaleen jaaliyadaha Itoobiya ee degan Somaliland, madax xukuumada Somaliland iyo xisbiyada Qaranka ka tirsan iyo martisharaf kale ayaa sheegay in Itoobiya kaalinta hore kaga jiro wadamada dhaqaalahoodu xawliga u kobcayo caalamka, waxaanu yidhi,

“dalkayagu waxuu kaalinta hore kaga jiraa wadamada dhaqaalahoodu xawliga u korayo, waxaana waxbarta arday gaadhaysa 30 malyuun, dhinaca caafimaadka waxa lagu guulaystay dhismaha 20 kun xarumo caafimaad, iyo cusbitaalo gaadhaya 200, oo daboolay baahiyaadkii caafimaadka boqolkiiba 70%.”

Qunsulka Itoobiya ee Somaliland Mr. Berhe oo ka hadlayey heerka uu marayo biyo-xidheenka webiga Abbay oo quwada korontada laga dhalin doono ayaa ydhi,

“Guud ahaan shacabka Itoobiya guddo iyo dibed si waddaninnimo ayey uga qeybqaateen mashruuca biyo-xidheenka Abbay, oo  dhaqaale gaadhaya 5 milyan dollar ku baxday, soona sari doona tamar koronto gaadhaysa 6,000 megga watt ayaa xilligan dhismahiisu dhamaaday boqolkiiba 54%.

Brig Gen Berhe ayaa amaanay  xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo u sheegay inuu meel fiican marayo, loona baahan yahay in laga sii kordhiyo, waxaanu yidhi,

“Xafiiska Qunsuliyada waxa loo igmaday inuu xukuumada yo shacabka Somaliland wadajir ugala shaqeeyo dhinacyada siyaasada, nabadgelyada, ganacsiga iyo xidhiidhka labada shacab oo xilligan heer aad u wanaagsan maraya, loona baahan yahay in laga sii kordhiyo.”

“Guulaha Itoobiya gaadhay 25 sannadood maaha kuwo si fudud ku yimi, balse halgan qadhaadh lala soo galay xagjirnimada, mucaaradka fikirka khaldan, maamul-xumada, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa aadanaha.

Qunsulka Itoobiya Mr. Berhe ayaa digniin u jeediyey dad uu sheegay inay kaalmooyin ka helaan quwado shisheeye oo diidan horumarka Itoobiya, waxaanu yidhi,

“Waxa jira dad ku nool dalka gudahiisa iyo dibedaha oo diidan horumarka Itoobiya kaalmana ka hela quwado shisheeye oo qalalaase sharci-daro sameeyey inay awooda kula wareegaan, laakiin isku-deygaasi la fashiliyey.

“Geedi socodka horumarineed si muddo gaaban loogu gaadho, waxa dhamaan lanooga baahan yahay jaaliyadaha degan Somaliland inaynu innago ballan ku gelayna xuskan taariikhiga ah wadajir ula dagaalano nabad-diidka iyo horumar-diidka meel kastoo aynu joogno, idinkuna baraarujinayaa.

Dhinaca kale, munaasibada oo gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, Mr. Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali waraabe iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeda Prof Maxamed Maxile Boqore ayaa dhamaantood hambalyeeyey xuska Maalinta qawmiyadaha Itoobiya, isla markaana sheegay sida loogu baahan yahay in shacabka labada wadan ka wada shaqeeyaan horumarkooda iyo cadowga isku deyaya inuu qalalaase u geysto jaarnimadooda.

Xaflada oo lagu soo bandhigay ciyaaro qowmiyadaha Itoobiya leeyahiin iyo muuqaal filim ka sheekaynayey wadadii shacabka Itoobiya u soo mareen horumarkooda ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here