Qormo Kooban: Akhrista iyo Faa’iidooyinka ku Jira W/Q: Ibraahim Eid Dad-dhis

0
845
Ibraahim Eid Dad-dhis

Qof kasta oo caqli u saaxiib ah, waxa aan ka qarsoonayn in akhrisku uu yahay shay daruuri u ah nolosha qofka bani’aadamka, sida hawada, biyaha iyo cuntaduba ay daruuri ugu yihiin. Diinteena Islaamka ee suubani, waxay aad innoogu dhiirigalisay akhriska iyo faa’iidooyinka ballaadhan ee ku jira. Taas waxaa markhaati cad u ah in kelmeddii ugu horeysay ee uu ku bilaabmo waxyigu ay ahayd “AKHRI”, taas oo Malakul Jibriil uu Nebiga (SCW) ku amrayay in uu akhriyo. Miyaanay wax aad looga fikiro ahayn in dastuurka dhan ee ummadda Islaamku erayga uu ku bilaabmay uu yahay “AKHRI”. Aynu soo qaadano tusaale labaad oo ina tusinaya ahmiyadda ay diinteenu siisay wax akhriska. Dagaalkii Badar markuu dhammaaday, Muslimiintu waxay maxaabiis ahaan u kaxaysteen ilaa 70 ka mid ah Mushrikiintii Reer Qureysh. Qof kasta oo Mushrikiintaa ka mid ah oo doonayay in uu naftiisa furto wuxuu Nebigu (SCW) ku xidhay inuu 10-ka mid ah Muslimiinta baro qoraalka iyo akhriska. U fiirso dhacdadan la yaabka badan, waayo Muslimiintu waxaa jiray waxyaabo kale oo aad u badan oo ay waqtigaa u baahnaayeen, ayna ku furan karayeen maxaabiistaa sida lacag, inay maxaabiis muslimiin ah ku beddeshaan iyo inay uga faa’iideystaan in ay caddaadis ku saaraan Qureysh. Laakiin Rasuulku (SCW) wuxuu barayey saxaabadiisa in ummadda doonaysa inay horumar gaadho oo ay kor u kac samayso ay tahay inay muhiimad weyn siiso qoraalka iyo akhriska.

Haddaba, akhrisku wuxuu leeyahay faa’iidooyin aad u badan oo aan la soo koobi karayn, waxaana ka mid ah;

  1. In akhrisku uu kobciyo caqliga qofka
  2. In akhrisku uu kuu suurtagaliyo in aad macluumaad badan ka ogaato dunidan aynu ku nool nahay, ha noqdaan macluumaad kaasi kuwa ku tacaluqa waqti xaadirkan aynu joogno ama ha noqdaan kuwa la xidhiidha dhacdooyin hore uga dhacay adduunka dushiisa.
  3. Akhrisku wuxuu kaa dhigayaa qof leh aqoon, fahmad iyo waayo-aragnimo badan, waayo waxaad in badan daraasaynaysaa nolosha dadweynaha caalamka ku nool ama se hore u soo maray
  4. Akhrisku wuxuu aad kor ugu qaadaa fahanka qofka, iyadoo sidoo kale qofka ka dhigta qof kalsooni badan ku qaba naftiisa. Haddii qoraalkan ku qanciyay la wadaag asxaabta kale.

 

W/Q: Ibrahim Eid Dad-Dhis

Email: ibrahimiid54@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here