Qatar oo ka guuleysatay Sacuudi Carabiya

0
1400
Xulka Qatar oo u dabaaldegaya guusha uu gaaray

Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar ayaa 2-0 uga adkaaday dhiggiisa uu xifaaltanka weyn uu ka dhexeeyo ee dalka Sacuudi Carabiya, ciyaar ka tirsaneyd Koobka Qaramada Aasiya.

Kulankaasi oo xiisa gaar ah lahaa, isla markaana loogu magac daray “Blockade Derby” ama kulanka adag ee go’doominta, ayaa waxa ay labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E.

Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, weerarkana uga ciyaara kooxda Qatar, ayaa u dhaliyay labada gool, waxaana xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos.

Madaxda dalalka Qatar iyo Sacuudiga

Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay labadan xul isaga horyimaadaan tan iyo markii ay billaabatay xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Qatar oo martigelin doonta Koobka Adduunka ee 2022 ayaa wareegga 16-ka la dheeli doonta xulka Ciraaq oo koobkan ku guulaystay sanadkii 2007.

BBC

LEAVE A REPLY