WAXAN MAQLI JIRAY DUUL CULIMO QASTAY AYAANU NAHAY!!! Prof. Adam Ismail (aadanwali)

0
1114

Khudbadii maanta ee Jimcaha wadaadkii wuxu ku lumiyay intii badnayd sida ay timaha dhallinyaradu u xiirato iyo goobaha lagu caweeyo habeenkii.

Waxan weliba aad ula yaabay sida uu uga dhigay xaaraan style ka dhallinyartu timaha u jarato oo uu yidhi waa wax ka yimid “gaalada” oo ay kaga dayanayaan niman gaalo ah oo caan ah.

Lakin xaqiiqadu waxa weeye inay Somalidu intaanu soo bixin Ronaldo iyo qayrkii ay boqolaal sano ka hor u xiiran jireen timaha sidan uu wadaadku sheegay. Waxana ka mid ahaa style ka ay Somalidu u xiiran jireen kuwan:

– Qoordiid
– Dhoor
– Taaloo
– Food
– Hareed

Dhammaan kuwaas iyo qaar kaleba waxay ahaayeen noocyada kala duwan ee ay Somalidu timaha u jartaan markaa kuwa maanta joogaa haday u jartaan cidna kagamay dayan ee inaga ayaa dhaqan u lahayn.

Hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye maxay culimadu muhiimad u siinayaan arrin aan bulshada badankoodu u arag mid daruuri ah. Maxay u dayaceen inay ka hadlaan arrimahan:

– Dawada iyo raashinka dhacay ee ay badankooda wadaadadu keenaan dalka.
– Lacagta kharashka badan ah ee ay culimadu ka qaataan dadka xajka tegaya.
– Lacagta culimadu saarto dadka wax dhaxlanaya (10%) ee weliba qadimaada ah.
– Lacagta dulsaarka ah ee aan ribada waxba dhaamin ee ay bangiyadu dadka saarayaan (10-12%).
– Malcaamadaha iyo Iskuulada ay masaajid kasta ka furteen ee aanay agoonta iyo kuwa baahan hal doolar ka daynayn.
– Caddalad darrada ka taagan maxakamadaha dalka iyo sida bulshada jilicsan loo dulmiyayo.
– Dawladaha hoose ee dalka sida loogu dhibo shacabka ee loogu dulmiyo.

Kuwaas iyo qaar kale ayaa u mudan baahida bulshada oo noloshooda toos u taabanaya ee culimadu ha ka hadleen intay ku meeraysanayaan inan yar oo fooda la baxay iyo gabadh yar oo xamuurad marsatay. Taa micnaheedu ma aha inaan ka soo hor jeedo anshaxa iyo asluubta wanaagsan lakin bulshada in laga ilaaliyo dawada dhacday iyo raashinka dhacay ayaa uga muhiimsan sida timaha loo xiirto iyo meel lagu caweeyo.

Waxan mar kasta karaamo iyo sharaf u hayaa culimada lakin lama odhan karo culimada wax kama gedmaan oo Ilaahay SWT oo keliya ayaan wax ka gedmin, markaa waa in la toosiyo culimada oo loo sheego halka ay wax ka qaloocanyihiin.

Ilaahay ha ina soo hadeeyo!!!
aadanweli@gmail.com
Twitter: aadanweli
Instagram: aadanweli

LEAVE A REPLY