Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Oo Khudbad Ku Saabsan Dawlad Wanaaga U Jeediyey Ardayda Wax Ka Barata Maxadka Shaqaalaha Dawlada.

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) — Prof Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland, ayaa khudbad aad u qiimo badan oo ku saabsan dawlad wanaaga u jeediyey ardayda wax ka barata maxadka shaqaalaha dawlada ee CSI.
Waxaana munaasibad si heer sare ah oo ay u soo agaasimeen ardayda dhigata kuliyada culuumta Siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee maxadka shaqaalaha dawlada, ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Nuux Sheekh Muuse Ducaale, guddoomiyaha maxadka shaqaalaha dawlada Maxamed Mixile Boqore, macalimiinta maxadka, iyo araday aad u tira badan.

Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu horeyn halkaasi ka jeediyey khudbadiisa, ayaa waxaa uu si aada ugu dheeraaday dawlada wanaaga iyo heerka uu dalku ka taagan yahay, waxaana uu sheegay in dawlad wanaagu uu yahay ku dhaqanka qawaaniinta sharci ee dalka u taala iyo sida oo kale in wadanka laga arko hanaan shaqeynaaya oo ku dhisan nidaamka dimuqraadiyada.

“Dawlad wanaaga waxaa lagu gartaa, oo ay yihiin shuruudaha ugu waaweyni, anigu saddex ayuunbaan idin la wadaagi, kow, waxaani xalaal dhaba ma yihiin qofka wasiirka laga dhigay si xalaal ah ma looga dhigay, madaxweynaha si xalaal ah ma loogu doortay xilka uu hayo, ma milatari ayuu ahaa oo meesha qabsaday mise reer hebel ayuu ahaa oo meesha boobay mise dee qofkani xafiiska waxaa uu ku yimi si lagu heshiiyey oo xalaal ah.ta Labaad waa Karti, qofku shaqadan ma qaban karaa oo xalaal ma ku yimi shaqadana ma qaban karaa waan waxyaabaha ugu waaweyn ee haysta wadamada soo koraaya ee aynu inagu ka mid nahay. Saddexaad, waa Akhlaaqda oo haddii qofku aanu akhlaaq wanaagsan lahayn dee qof muslim ah anigu uma aamin sani, waa saddexda astaamood ee dawlad wanaaga looga baahan yahay, waana saddexda ugu waaweyn oo dee waa in wadankaas oo dhan iyo magaalooyinkaasba ay jirtaa nabad galyo shakhsi ahaaneed iyo mid guud oo wadanka oo dhanba ah oo aan dee goortii la doono lagugu soo duuli karin, waxa kale oo loo baahan yahay in qawaaniintu ay yihiin kuwo loo hogaansan yahay oo aanay ahayn kuwo jeebka lagala soo baxay oo dadka qaarba marka ay doonaana ku odhanaya marka uu doonana waa uu qarinayaa, waxa kale oo weeye in la helo ka qeyb galka hanaanka dimuqraadiyada,oo ay meesha dimuqraadiyadi ka jirto dadkuna ay ka qeyb gali karaan”Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Dhanka kale waxaa iyaguna halkaasi su’aalo la xidhiidha dawlad wanaaga waydiiyey Profeesarka ardaydii dhagaysanaysay khudbada, waxaana ay si fiican ay isula fahmeen hanaanka ugu haboon ee dawlada Somaliland ay ugu dayan karto dawladaha horumaray ee beesha caalamka.

Ayaan Maxamuud Askar oo ku hadlaysay afka ardayda maxadka shaqaalaha dawlada oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa waxaa ay si aada Profeesarka uga mahad celisay fursada qaaliga ee ee uu ka arday ahaan uu u siiyey in uu khudbad uga jeediyo gudaha maxadka shaqaalah dawlada ee magaalada Hargeysa.

“Horta aad iyo aad ayey farxad noogu tahay, waana maalin nagu qaaliya oo runtii inbadan ayaanu Tv-yada marka aanu ka arragno aanu ka odhan jirnay hadma ayaad tolow fursadaas oo kale aad Axmed Ismaaciil Samatar ka helaysaan, aad iyo aadna waad ugu mahadsan tahay wakhtigaaga aadka u qaaliga ee aad na soo siisay, waxaana aad runtii noo soo jeedisay khudbad aad u qiimo badan oo wax badan kor u qaadi doonta heerkayaga aqooneed”.Ayey tidhi Ayaan Maxamuud Askar.
Guddoomiyaha maxadka shaqaalaha dawlada Pro:Maxamed Mixile Boqore oo ugu danbeyntii kulankaasi soo munaasibadaasi soo gunaanaday, isna dhankiisa waxaa uu ka maamul ahaan uu si aada uga mahad celiyey Profeesarka aqbalaada uu ka aqbalay in uu khudbad aqooneed uu u jeediyo ardayda wax ka barata maxadka shaqaalaha dawlada, gaar ahaan kuliyada siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga.
“Aqbalaada aan naga aqbashay in aad halkan aad noogu timaado aad iyo aad ayaanu kaaga mahad celinaynaa, Maxadka maadama oo ay qeybi Jaamacad ay tahay waxaa ay jecel yihiin oo aanu jecel nahay markasta oo aad timaado in aanu aad kuugu soo dhaweyno, tirada jaamacadahana uu kuugu jiro, oo aad noo timaado oo kolba waxii hawla ah ee halkaa dee aad waxii aqoon kordhin ah ee aad ardayda siinayso aad siiso khudbadaada, waana aan kuu mahad naqayaa aqbalaada aad naga aqbashay marka aan codsiga aan kuu soo gudbiyey”Ayuu yidhi Maxamed Mixile Boqore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here