Ololihii Doorashada Madaxtooyada Oo Saaka Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Hargeysa + SAWIRRO

0
1000

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa saaka si rasmi ah magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland si rasmi ah uga bilaabmay ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland oo guddiga Komishanka Qaranka ay u iclimaayeen inay bilaabmato saaka oo taariikhdu tahay 21.October.2017.

Waxaana ololaha doorashada madaxtooyada saaka bilaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ah xisbiga ugu da’da wayn xisbiyada Somaliland,waxaana gudaha magaalada Hargeysa wareegaya baabuur ay ku xar dhan yihiin calanka xisbiga UCID ayna ku rakiban yihiin Sameecado waa wayn oo ay ka baxayaan heesaha xisbigu.

Xisbiga UCID ayaa waxa xudun u noqonaysa ololaha doorashada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sida uu HargeisaPress u xaqiijiyay gudoomiyaha Ololaha UCID Eng Axmed Xirsi Ducaale,waxaana magaalada Burco saaka shacabka halkaasi uga khudbadaynaya gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Gabagabdiina waxa iyaguna labada maalmood ee soo socda ololaha u leh xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE,waxaana maalinka Bari ah u leh xisbiga KULMIYE,halka ay saadanbe ama Isniinta uu u leeyahay xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here