Muxuu Baashe Cawil Ka Yidhi Xil Ka Qaadistii Wakiilka Imaaraadka Iyo U Wareejinta Kenya?

0
1139
Wakiilkii Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wakiilkii Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa ka dareen celiyey markii ugu horraysay xil ka qaadista uu Maanta ku sameeyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo loo wareejiyey in uu noqdo wakiilka Somaliland ee Kenya.

Baashe Cawil ayaa mar dhawayd qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu yidhi: “Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay”

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka uhaysaan, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.

Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday”.

Baashe Cawil ayaa ahaa wiil uu Madaxweynihii hore ee Somaliland soddog u yahay kana mid ahaa xubnaha ugu dhawdhaw nidaamkii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here