Muwaadin Samatar Muj. Axmed Jimcaale Oo Ka Digay Cidhib-xumada Ka Dhalan Karta Dad Xukuumadda Garab Ka Helayaa Ay Ku Haystaan Dhul Uu Aabahood Dhowr Iyo Konton Sanno Ka Hor Iibsaday

0
1359

Hargeysa, (HargeisaPress) —Muwaadin Samatar Axmed Jimcaale Guulleed Oo Uu Dhalay Guddoomiyihii u horreeyey ee SNM Muj. Axmed Jimcaale ayaa ka dhiidhiyey hawl-gal ay xukuumaddu saqdii dhexe ee xalay ku gelelaftay dhul ay qoyskoodu ku leeyihiin magaallada Hargeysa oo ay ganacsato danyar ahi  degen yihiin.

Muwaadin Samatar Axmed Jimcaale maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxaa uu sheegay in dhulkan oo ahaa beer uu aabahood iibsaday dhawr iyo konton sanno ka hor ay ku qabsadeen dad kale oo sheegay inay lahaanshiyihiisa warqado u haystaan la siiyey xilligii Siyaad Barre, kuwaas oo uu kutilmaamay in ay xukuumadda garabka haystaan.

Qoyska mujaahid Axmed Jimcaale ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dhulkan oo ay xukuumaddu xalay saqdii dhexe ciidan dul dhigtay xoogna ay kula wareegtay.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka dhulkan oo warbaahintu sawirro ka qaaday xilli ay ciidammo xooggani ku sugnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here