“Muuse Biixi is-bedel fiican ayuu wadaa, waa inuu dulqaad muujiyo, ” Drs Moha Faarax Jire

0
1643

Hargeysa , (HargeisaPress) —Drs Moha Farah Jire, ayaa  safaarada itoobiya si weyn ugu soo dhawayasay dalka kadib markay mudo 5 sanadood culuumta shahaadada Phdka ka diyaarisey arimaha  diplomasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah ugu maqnayd  qaarada Yurub.

Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo weriye Maxamuud Walaaleye oo wargeyska Dawan la yeeshay Drs Moha F Jire oo ah rug cadaa arimaha Qaarada Africa ku  xeeldheer.

Gaar  ahaan arimaha  Siyaasada, Diblomaasiyada, Amniga iyo Warbaahinta oo ay mudo kasoo shaqaynaysay iyadoo kasoo qabatay kaalimo kala duwan oo ay ugu ay danbaysey gudoomiyaha Suxufiyiinta Qaarada Afrika.

Sidoo  kale noqotay Ergay arimaha Bani’aadamnimada u qaabilsan dalka Ghana iyo la taliye Arrimaha Warbaahinta ururka Midowga  Afrika (AU).

Drs Moha oon wax ka waydiiyay dareenkeeda ku aadan imaatinkeeda Somaliland ayaa ii sheegtay in ay aad ugu  faraxday in isbedel xoog leh oo ka dhacay dalka kaasi oo ay hormuud u tahay nabada dalku haysto.

Waxa kale oo ay aad ugu mahad celisey qusuliyada Ethiopia ee Somaliland iyo General Berhe Tesfaye oo ay sheegtay inay hayaan howl u baahan dhiiranaan, dulqaad iyo lexe jeclo ay diplomaasiyiintaasi wakhtigooda iyo noloshoodaba ugu hibeeyeen dadka walaalahood ah ee reer Somaliland

Drs Moha waxay ku dheeraatay  arimaha dimoqraadiyadeed ee dalka ka qabsomey iyadoo ku dhiiri galisey Madaxweyne Muuse Biixi inuu talada badsado.

Waxaanay  tidhi  “Isbedel wanaagsan ayaa dalka ka dhacay oo dhiirigelin leh, Madaxweynaha la doortay Md Muuse Biixi isbedel fiican u wadaa.

Waa  inuu dulqaad muujiyo Isla markaana xoojiyo xidhidhka diblomasiyadeed ee dalalka dariska  ah,  siyaasiyintu waxay kasbadaan quluubta shucuubtooda sanadka koowaad inta ka danbeysana si  degan oon dar dar  badan lahayn ayay howlaha u fuliyaaan” ayay  tidhi Drs Moha.

Iyadoo  aad uga gaabsanaysa falanqeynta xaalada hada dalku ku sugan yahay waxayna ku dartey in madaxweyne ka qalbi wanaaagsani uusan soo marin dalka loona baahan yahay in loo dul qaaato waxii aan qabsoomin  lana hogol tusaaleeyo madaxweynaha oo dhismaha dalka lagala qayb qaaato.

Drs Moha ayaa sheegtay in xilligan wadciga Geeska Africa  marayo xaalad adag oo u baahan in sidii ugu degan oo fiiro dheeraad ah leh lagu eegayo dhaq dhaqaaqyada lagula macaamalo beesha caalamka.

Waxaan  ku laabanayaa dalka itoobiya oo ii  ahayd xarun  aan wax ku bartay, ku shaqeeyay kuna soo taabo-galay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here