Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE oo Boorama Kulan la Yeeshay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

0
825

Boorama , (HargeisaPress) —Wefti ballaadhan oo ay horkayaan Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta booqasho ku tagay Gobolka Awdal, ayaa Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax kulan gaar la kula yeeshay Hotel Rays ee magaalada Boorama.

 

Weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo ay qayb ka yihiin xubnaha hoggaanka sare iyo madaxda Golaha Dhexe ee xisbigaasi, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo masuuliyiin kale, ayaa kulan qado ah la qaatay Hotel Rays ee magaalada Boorama Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ku oo halkaasi hore ugu sugnaa.

musha

Kulankan gaarka ahaa ee dhexmaray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa kaga wad hadlay ujeeddada socdaalkan inuu yahay mid la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka bilaabmaysa Gobolka Awdal maalinta Sabtida.

 

Weftigan oo si wayn loo dareemay taageerada baaxadda leh ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gobolkaasi, kadib markii dadweynaha ku dhaqan halkaasi si aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyeen degaannada xidhiidhsan degaanno hoosyimaada Gabiley, Dilla ilaa Boorama oo kumanaan iyo kumanaan qof oo lulayey calamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE iyo weliba caleemo qoyan ay ku qaabileen weftiga xisbiga KULMIYE.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here