Muqdisho: Xildhibaan Guuleed Oo Dhaliilay Qadarka Lacageed Ee Dawladda Federaalku U Qoondaysay Wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya

0
1302

Muqdisho (Hargeisa Press): Xildhibaanadda golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeeshay miisaaniyad sanadeedka 2019-ka ee dawladda, taasoo shalay la horkeenay golaha si ay uga doodaan.

Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, oo ka tirsan baarlamaanka golaha shacabka  dawladda federaalka Soomaaliya oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodaadda maanta ka dhiibtay miisaaniyadda ayaa sheegay in masuuliyadaha golaha ay ka mid tahay hawlaha ansixinta miisaaniyadda.

Waxaanu xildhibaan Guuleed ku dhaliilay wasaaradda maaliyadda  in laba xisaab-xidh ay ku maqan yihiin wasaaradda maaliyadda, isla markaana ay gole ahaan dareemayaan caajis ka jira dhinaca wasaaradda maaliyadda.

Geesta kale xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, waxa uu saluug ka muujiyay qadarka lacageed ee ay dawladda federaalku miisaaniyadda ugu dartay wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Taasoo uu ku tilmaamay mid ihaaono ah, isla markaan  aan u qalmin in lagu sheego in lacagtaasi aadka u yar loo qoondeeyay wadahadaladda.

Halkan Ka Daawo Doodii Xildhibaan Guuleed Caydaruus:

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here