Munaasibad Tartana oo Loo Qabtay Ardayda Dusiga Iftin Schools ee Hargeysa + SAWIRRO

0
1183
QAAR KA MIDA ARDAYDA DUSIGA IFTIN SCHOOLS

Hargeysa,(HargeisaPress) —Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ardayda Dugsiyada Iftin Schools ee Magaalada Hargeysa, ayaa ujeedada munaasibadaasi ahayd tartano loo qabtay ardayda Dugsiyada Iftin Schools.

Maamulka Dugsiyada Iftin Schools Cabdirashiid Axmed Xasan oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tartananadan noocan oo kale ah ay markasaba u qabtaan ardayda si maskaxdooda loo furfuro sidoo kalena ardaydu isku dhex gasho.

Xubno ka mida waalidiinta oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ardayda wacyigooda kor loo qaado, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa ardaydu ay kororsadaan aqoon iyo xirfad.

Macalimiinta dugsiga ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay ku dadadaalaan sidii ardayda schoolada ifitin ay u noqon lahaayeen hormuudka ardayda dugsiyada Somaliland.

Martisharaq, Aqoonyahan iyo waxgaradka xaafada ayaa iyaguna dhankooda amaan iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka, Macalimiinta iyo waalidiinta Dugsiyada Iftin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here