Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Go’aan Ka Gaadhay Dacwado Lagu Soo Oogay Naciima Qorane Oo Hargaysa Ku Xidhan.

0
968
Naciima Qorane

Hargeysa,(HargeisaPress) —Naciima Qorane oo ah Gabadh baraha bulshada wax ku qorta oo ay ciidamada Booliska Somaliland dhawaan xidheen ayaa maanta maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay ku riday xukun ah saddex sanno oo xadhig ah.

Naciima ayaa lagu  soo oogay laba dacwadood oo kala ah  in ay dacaayado kadhan ah Hay’addaha dawlada Somaliland faafisay iyo sidoo kale  inay kacdoon lidi ku ah qaran nimada ay dal shisheeye ka samaysay, sida uu sheegay garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil.

Naciima Qorane oo mudooyinkii udambeeyay ku xidhnayd magaalada Hargaysa ayaa waxa hore uga hadlay xadhigeeda Hay’ada xuquuqul insaanka Somaliland taas  oo dawlada usoo jeedisay in xoriyadeeda loo sooceliyo Naciima.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here