Maxkamada Degmadda Hargaysa Waxay Muujisay Dedaal Dhiirigelin Mudan

0
1384

Hargaysa (Hargeisa Press):  Gudoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel ayaa shaaca ka qaaday in dacwadaha Ciqaabta ee Maxkamada soo galay Sanndkii dhamaaday ee 2018 oo gaadhayeen 1,038 dacwadood, dhamaantoodna dhamaadeen.

Gudoomiye Cabdirashiid oo maanta kulan ku qabtay Xafiiskiisa uu kaga waramayey waxqabadkii Maxkamada Degmada Hargeysa ee sannadkii dhamaaday ee 2018-ka.

Isagoo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi “Dacwadaha Maxkamada Degmada Hargeysa sannadkii dhamaaday ee 2018 soo galay waxay ahaayeen Kun iyo Sideed iyo Soddon (1,038) dacwadood oo Ciqaab ah.

Waxa dhamaaday 1037) dacwadood, waxa keliya oo socda hal dacwad oo imika garsoore garnaqeeda gacanta ku hayo. Dacwadahaa ayaa u kala qeybsamayey:

dacwadaha Diin-Caayga ee maxkamada soo galay waxay ahaayeen 115 Ciqaab ah dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Waalid-caasiga waxa soo galay 160 dacwadood oo Ciqaab ah, waxa dhamaaday 159 dacwadood, waxa hadhay halka dacwad oo ah ta imika dhegeysigeeda lagu jiro”.

Gudoomiye Cabdirashiid oo sii faahfaahinayey dacwadaha Maxkamada Deg Hargeysa soo gaadhay ee ay ka garnaqday noocyada ay kala ahaayeen ayaa yidhi “Dacwada loo yaqaan Sarkhada waxay gaadhayeen 155 Ciqaab ah, dhamaantoodna way dhamaadeen.

Dhaawaca fudud waxa soo galay 255 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dhaawacyadaa oo kala ahaa kuwo gacanta lagu geystay ama kuwo gawaadhi geysteen, ama shil baabuur ku yimid”.

“Dacwadaha Fara-saarka bulshada dhexdeeda wax aka dhacay, ee dacwadahooda Maxkamada Deg qaaday sannadkii dhamaaday waxay ahaayeen 24 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen.

Dacwadaha loo yaqaano Cayda Laf-jabka ah, waxa soo galay 37 dacwadood Maxkamada Deg, dhamaantood way dhamaadeen”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargaysa.

Gudoomiyaha Maxkamada Deg Hargeysa oo weli tafaasiil ka bixinayey noocayada ay kala yihiin dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore ayaa raaciyey “Dacwadaha loo yaqaano Tahdiida, ama bulshadu isku hanjabtay waxa dacwadahoodu na soo gaadheen 68 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen.

Dacwadaha loo yaqaano Khasaaraha, ama mid gacanta laga geystay ama mid Gaadhi, waxay tiradoodu ahaayeen 105 dacwadood, dhamaantood Maxkamada Deg way ka garnaqday.

Dacwadaha Tahriibta ama tahriibayaasha dadkii inna dhexsocday ee wadamadda jaarka ka yimi, 3 kiis ayaa dacwadahooda maxkamada soo galeen, dhamaantood way dhamaadeen”ayuu yidhi C/rashiid Beer-Geel.

Isagoo hadalka sii watay waxa uu yidhi “Dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore Maxmakada Deg Hargeysa Kun iyo Sideed & Soddon dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dacwad keliya oo socota mooyee, waxa kaloo dacwadahan ka mid ahaa kuwo ku dhamaaday heshiisiin ama dacwad ka noqosho”.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here