Maxamed Salaax oo ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka Afrika ee BBC

0
2223
Maxamed Salaax, Ciyaaryahanka Afrika Sannadka ee BBC 2017

Ka dib markii taageerayal kala duwan ay codeeyeen, Maxamed Salaax oo u ciyaara Liverpool ayaa ka guuleystay ciyaaryahannada kala ah Pierre-Emerick Aubameyang oo Gabon u dhashay, Naby Keita oo u dhashay Guinea, Sadio Mane xirfadyahanka reer Senigal iyo laacibka u dhashay Nigeria, Victor Moses.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan abaalmarintan ku guuleysto,” ayuu yiri 25-jirkan oo la hadlay BBC-da.

“Waa dareen wanaagsan marka aad wax un ku guuleysato. Waa sida adigoo sannad wanaagsan jooga, aad baan u faraxsanahay. Sannadka soo socda in aan ku guuleysto ayaan jeclaan lahaa!”

Salaax oo hadda ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka Premier League-ga oo 13 gool dhaliyay ayaa sannadkan si wanaagsan ula dabaaldegaya kooxdiisa Liverpool iyo Qarankiisa Masar.

Horraantii sanadkan 2017-ka, wuxuu xuddun u ahaa xulka qarankiisa oo gaaray illaa finalka horyaalka Qaramada Afrika.

Sidoo kale wuxuu xawaarihiisa dheereeya ku dhaliyay toddobada gool ee xulka qaranka Masar u fududeeyay in ay tartanka Koobka Adduunka u soo baxaan, markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 1990-kii.

Wuxuu Masar ka badbaadiyay gool ku laatyo in la isla aado, kullankii Congo ay la yeesheen, taas oo si wayn ay ugu dabaaldegeen, una suuragelisay in ay boos kahelaan Ruushka, sannadka soo socda.

“Waxaan doonayaan in aan noqdo ciyaaryahankii abid ugu wanaagsanaa Masar, sidaa darteed shaqo adag ayaan qabanayaa,” ayuu yiri ciyaaryahanka oo noqonaya qofkii seddaxaad ee Masar u dhashay ee abaalmarintan ku guuleysta, waana kii ugu horeeyay tan iyo 2008-dii.

“Markastaa waddadan ayaan ku soconayaa, waxaanna doonayaa in qofkastoo Masar u dhashay in uu sidaa sameeyo.”

Xilligii uu u ciyaarayay Roma ee taliyaaniga, wuxuu dhaliyay 15 gool, wuxuuna caawiyay 11 gool, wuxuun kooxdaasi gacan ka siiyay in kaalinta labaad ee Serie A gasho. Waxay ahayd markii ugu horaysay muddo toddobo sanno ah oo ay halkaasi soo gaarto

Sidoo kale 16-kii kullan ee uu ka dheelay Premier League-ga ee ugu horeysay wuxuu dhaliyay 13 gool.

“Waxaan jeclaan lahaa in ciyaartoyda aan isku kooxda ka wada tirsan nahay (Liverpool) u mahadceliyo, sidoo kale xilli wanaagsan ayaan Roma la soo qaatay, marka waan u mahadcelinayaa ciyaartoyda iyo kooxda iyo xulka xulka Qarankayga,” ayuu yiri Salaax.

“Tan iyo markii aan halkan imid, waxaan doonayay in aan si adag u shaqeeyo si qof kaste aan ugu muujiyo ciyaarteyda kubadda cagta. Waxaan ku taamayay in aan horyaalkan Premier League ku soo noqdo tan iyo markii aan ka tagay, haddaba aad baan u faraxsanahay.”

Salaax wuxuu xilli ciyaareedkan noqday duufaan cusub oo ku soo biiray Horyaalka Britain, si taas ka duwan fursad wanaagsan ka muusan helin xilligii Chelsea ee 2014-15-kii.

“Waa mid uu u qalmo,” ayuu yiri tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, oo abaalmarinta ku wareejiyay ciyaaryahan Maxamed Salaax oo ku sugnaa xarunta tababarada kooxda ee Melwood.

“Waxaan xaqiiqdii ahay qof nasiib badan. Waxaan helay fursad aan kula ciyaaro laacibiin aan caadi ahayn, waana ku faraxsanahay in hadda aan haysto Maxamed.”

“Arrinta wanaagsan waxay tahay in weli uu yaryahay, fursado badan oo horumar uu haysto, wanaag badan oo weli aan ku shaqeyn karno ayuu leeyahay, laakiin taasi waa sida loo baahan yahay in ay noqoto. Waa furxad wayn dhab ahaantii in lala shaqeeyo.”

Salaax hadda wuxuu magaciisa ku daray diiwaanka laacibiinta Afrika sida, Abedi Pele, George Weah, Jay-Jay Okocha iyo Didier Drogba, si uu ugu guuleysto abaalmarinta laacibka Afrika sannadkan ee BBC-da ee 2017.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la mid noqdo kuwaas si aan abaalmarintan ugu guuleysto,” ayuu yiri laacibkan Masar ka soo jeedo.

Kuwa Masar u dhashay ee horay ugu guuleystay waxaa ka mid ah Maxamed Barakat (2005) iyo Abuutariika (2008).

Abaalmarinta laacibka Afrika ee BBC waxaa horay ugu guuleystay:

  • 2016: Riyad Mahrez (Leicester City & Algeria)
  • 2015: Yaya Toure (Manchester City & Ivory Coast)
  • 2014: Yacine Brahimi (Porto & Algeria)
  • 2013: Yaya Toure (Manchester City & Ivory Coast)
  • 2012: Chris Katongo (Henan Construction & Zambia)
  • 2011: Andre Ayew (Marseille & Ghana)
  • 2010: Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana)
  • 2009: Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast)
  • 2008: Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt)
  • 2007: Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo)
  • 2006: Michael Essien (Chelsea & Ghana)
  • 2005: Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt)
  • 2004: Jay-Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  • 2003: Jay-Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  • 2002: El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal)
  • 2001: Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana)
  • 2000: Patrick Mboma (Parma & Cameroon)

BBC

LEAVE A REPLY