Maxamed Miyir Xaaji Oo Ka Mid Ahaa Bahda Fanka Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday

0
1586
Marxuum Maxamed Miyir Xaaji

Hargeysa, (HargeisaPress) –Alle haw naxariistee waxa goor dhawayd magaaladad Hargeysa ku geeriyooday Maxamed Miyir Xaaji oo ka mid ahaa bahda fanka ee Somaliland.

Maxamed Miyir Xaaji ayaa xanuun ku soo booday loo dhigay cusbitaal ku yaala magaalada Hargeysa oo uu goor dhawayd ku go’ay.

Maamulka Iyo Shaqaalaha Shabakada HargeisaPress waxay tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaan qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo guud ahaan bahda fanka ee uu ka baxay marxuun Maxamed Miyir Xaaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here