Maxakamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Dil Ku Xukuntay Nin Hore Ciidanka Uga Tirsanaa

0
1644

BREAKING-NEWS-LOGO-3Hargeysa,(HargeisaPress) — Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa maanta Xukun dil ah ku riday Askari hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Naafadda qaranka ooh ore qof shicib ah u dilay.

Warsaxaafadeed Maxakamadda Ciidanka ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay  Gudoomiyaha Maxakamadda sare ee Ciidanka Gaashaanle sare Maxamed Xasan Faarax ayaa lagu sheegay Xukunka lagu riday ninkaasi oo la sheegay inuu ku eedaysnaa Qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta guud iyo Qodobo Xeerka Ciidanka mid ah.

“Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay Xukun maanta oo ay Taariikhdu tahay August-16-2014, Waxayna ku xukuntay  Dil toogasho ah Racfaanle, Gacan ku dhiigle Dacar Cali Ibraahin oo ka tirsanaa Naafadda Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasi oo dilay 18-kii Bishii 5-aad 2014(18-5-2014) Marxuum shicib ah Cabdirisaaq Maxamuud Axmed, ina Caasha Cali oo 25 jir ah, kaasi oo uu Adeer u ahaa” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here