MAXAAD KA TAQAAN MEELAHA AY KU KALA WANAAGSAN YIHIIN SIYAASIYIINTA SOMALILAND By: Cabdilahin jante

0
1070

maqaalinkasta oo ay badan yihiin arrimaha ay ku kala duwan yihiin madaxweynaha hada ee s/land iyo iyo madaxweynihii xilka kaga horeeyay ee daahir rayaale isla markaana ay adag thay in hal maqaal lagusoo koobo hadana waxaan isku dayi doona in aan wax ka taabtabto

aan si kooban aan ugu bilowno madaxweynaha axmed siilanyo waxa waxyaaba uu ku liito marka loo eego madaxweynihii isaga ka horeeyay waxaana ka xusi karnaa qodobadan

1)  go”aan qaadashada degdega waxaan ka warhaynaa in madaweynaha Axmed siilanyo ay ku adag tahay in uu si madaxbanaan u gaadho go”aamada qaranka taasi badalkeedana aan maqalno gudiyo loo saaro taasi oo cadayn karta halka madaxweynuhi ka taagan yahay ka go”aan qaadashada hawlaha qaranka sidaa si kaduwan ayaan waxan ku naqaanay madaxweynihi hore ee s/land mudane daahir rayaale kaahin waxaanan ka xasuustaa go”aamadiisii cayrintii interpeace;laalitii uu laalay diiwaan gelintii iyo ku dhawaaqistii go”aankii doorashada inkasta oo buuq badan kadib laga heshiiyay arrinta waxaana uu ahaa go”aan culayskiisa leh oo mar laga baqay in raga mucaaridkuna rabash abuuraan

2) xoraynta dalka  madaxweynaha s/land mudane axmed siilanyo waxaa uu ku guul daraystay in uu mudo afar sano ah xorayeeyo degmo ka tirsan gobolka togdheer ee buuhoodle taasi baalkeedana mudane daahir rayaale waxaa uu ku guulaystay xoraynta dhulkii ugu badanaa ee soo gala gacmaha s/land sida gobolka sool bariga sanaag waana arrin ubaahan in la xuso

3)isfahamka golaha wasiirada ma jirto calaamado soo shaacbaxa marka uu jiro khilaafka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu waxana dadku maqlaan marka ay timaado talaabada ugu dambaysa ee xilka qaadis ama iscasilid hadaba hadaba imisa wasiir oo mug iyo miisan kulahaa xukuumada mudane siilaanyo ayaa isfaham la aan aawadeed madaxweynaha ku kala dhaqaaqeen waxana xusid mudan wasiirada cuslaa ee uu waayay madaxweynah hada ee Somaliland in ay kamid yihiin wasiirkii maaliyada maxamed xaashi wasiirkii ganacsiga maxamed cabdilahi cumar wasiirkii ciyaraha faahiye balse taa badalkeda waxaa xusid mudan in mudane daahir rayaale ku guulaystay haysashada xubnaha wasiiradiisa  waxaana u dhib yareeyay ayaa la odhan karaa karti badan

4)macaamilka bulshada caalamka waxaa mudan in laxuso oo ilaa heerkee ayuu madaxweynuhu macaamil fiican la leeyahay bulshada caalamka waxa indhaha laga qarsan Karin halka uu marayo xidhiidhka bulshada caalamka  iyo s/land idinka ayaana ka markhaati ah waxaana naxdin leh wadamadii ina bogaadiayay xorayntii laascaanod iyo gobolka sool in maanta ay leeyihin xudun ka baxa waana farqi  udhaxeeya daahir iyo siilaanyo

5) cadaalada iyo xoriyada hadalka runtii majirto farqi weyn oo u dhaxeeya madaxweyne siilanyo iyo m/weyne daahir marka aan joogno qodobkan waxana loo baahan yahay in arrinta bulshadu wax ka qabtaan

6)musuqmaasuq runtii waxaa isbadal weyni ka muuqdaa heerkii musuqmaasuq ee labadan xukuumadood waxana dhab ah in heekii musuqmaasuq uu hoos udhacay afartii sano ee ugu dambaysay dalka waxaana loo sababaynyaa dardartii ay ku bilaabantay wasaarada maaliyada oo wax weyn qabatay waana mid mudan in layidhaahdo hambalyo

Maqaalka kan xiga ugu kaalay w/wasaarada maaliyada samaale iyo maxamed xaashi lasoco

By cabdilahi jante

Jameeco01@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here