Maxaa ka hortaagan Puntland hirgalinta nidaamka axsaabta badan? Sida Somaliland oo kale

0
809
Puntland and Somaliland

20-kii sano ee ay Puntland jirtay, waxaa jiray dadaallo lagu samaynayo nidaamka qof iyo codka ah, taas oo aan weli hirgalin, halka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ay ka dhaceen doorashooyin ay dadweynahu codkooda dhiibteen.

Dhowr arrimood ayaa Somaliland u suurgeliyay inay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah, waxaana ka mid ah:

Rabitaan siyaasadeed

Madaxweynihii labaad ee Somaliland, Maxamad Xaaji Ibrahim Cigaal, ayaa go’aansaday in uu baddelo hanaankii madaxda lagu dooran jiray, oo ahaa hoggaamiye beeleed, waxaana uu u baddalay doorasho qof iyo cod ah.

“Nidaamkaasi waxaa uu ku dhisanyahay in meesha ama minbaca awoodda bixiyaa uu yahay shacabka. Daarasho la galo, oo xisbi walba uu dadweynaha soo hordhigo waxay mabda’ leeyihiin”.

Puntland waxaa jiray isku day ahaa in doorashada laga dhigo qof iyo cod. Madaxweynaha haatan xilka haya ee Cabdiweli Cali Gaas waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa inuu qaban doono doorasho qof iyo cod ah balse wali Puntland uma suuragelin inay dhaqangeliso arrintaasi.

Fursadda shacabka:

Inkastoo qabiilku uu saamayn wayn ku leeyahay cidda ay dadweynahu u codeeyaan, haddana doorashada qof iyo codka ah waxay fursad u siisay shacabka reer Somaliland inay kala xushaan musharixiinta kala duwan, fursaddaas oo aanay wali helin dadka reer Puntland. Sihaam Saleebaan Maxamad oo ku sugan Hargeisa waxay BBC-da u sheegtay in doorashadii ugu dambeysay ee Somaliland ay dhageysanaysay khudbadaha dhamaan musharixiinta si ay go’aan uga gaarto cidday u codeynayso. Waxay sheegtay inay danaheeda ka eegeysay khudbadaha musharixiinta maadaama ay ardayad ahayd.

Hoggaamiyayaasha qabaa’ilka

Madaxweynaha Puntland waxaa doorta xubnaha baarlamaanka maamul goboleedkaasi, kuwaas oo iyaguna ay soo xulaan hoggaamiye dhaqameed. Inkastoo ay awood lixaad leh ku leeyihiin Puntland, haddana hoggaamiye dhaqameedka malaha kaalin rasmi ah, aan ka ahayn in la qadariyo isla markaana la dhagaysto. Balse Somaliland, waxaa jira aqalka guurtida, oo ay ka howlgalaan odayaasha dhaqanka, halkaas oo ay ku leeyihiin dawr rasmi ah.

Ammaanka

Deegaanno yar oo ka mid ah Puntland ayaa waxaa ku horgudboon halis dhanka amniga ah, maadaama ay dabley hubeysani ku sugan yihiin buuraleyda Galgala, halkaas oo ay halis gelin karaan amniga qeybo ka mid ah Puntland. Arrintaas oo ay ka dhalan karaan caqabado dhanka ammaanka ah. Waxaa kaloo jira in Somaliland qabaa’ilka laga ururiyay hubka ka hor inta aysan qabsoomin doorashada qof iyo codka ah, hase ahaatee qaar kamid ah qabaa’ilka Puntland ayaa wali hubeysan.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here