Masuul Iska Casiley Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

0
959
Marwo Khadra Xaaji Gaydh

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiye ku xigeenkii hay’adda dhawrista tayada somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa si rasmi ah u shaacisay inay iska casishay xilkaas uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabo.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa sheegtay inay madaxweynaha Somaliland gaadhsiisay xil ka tagisteeda waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Madaxtooyada ayaan xil wareejintii ku sameeyey, xil wareejintii aan sameeyey ayaan raaciyey xilkii labaad, xilkii uu madaxweynuhu ii magacaabayna kolay waan ka cudur daartay aniga shakhsiyada iyo hawlo ii gaar ah ayaan cudur daartay, madaxweynaha maanta waan u sheegay inaanan xilkaas qabanayn.”ayey tidhi marwo Khadra Xaaji Gaydh oo u warantay Horn Cable Tv.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo hadalkeeda sii wadata ayaa soo bandhigtay waxyaabaha ay qaban doonto “Hawlaha qaranku way balaadhan yihiin, arimaha bulshaduna wuu balaadhan yahay, aniguna waxaan ahay qof u dabran inay danta bulshada aad wax uga qabato, markaa halkan maahee wax qabadku wuu badan yahay inaan hawlaha kale u madax banaanado oo aan dadka u shaqeeyo aniga oo aan xil hayn ayey ila noqotay, xagaas hoos u socodka raga ayaa iska qaata xilka ay doonaan anigu waxaan leeyahay dumar ahaan inaan ilaaliyo xagaas hoos u socodka.”

Sidoo kale Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay sababta ku kaliftay inay ka cudur daarato xilkii uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay waxaanay tidhi “Xilkaas waan isku garan waayey, qofkuna wax wuu isku qaadaa waxna wuu isku qaadi kari waayaa, kolay gabadh siyaasiyad ah ayaan ahay, 15-kii sanadood ee u dambeeyeyna markii xisbiyada la aas aasay ayaan soo galay, xildhibaan gole deegaan ayaan soo noqday oo kor ayaan uga soo socday, qorshahayguna inta ugu badan waa kor u socod siyaasadeed, waxaanan jecelahay inaan siyaasada kor uga socdo laakiin inaan hoos uga sii daadago ma jecli kolayna waan isku qaadi kari waayey xilkaas.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here